Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Image

GOMA – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Joseph Kabila, ayaa si lama filaan ah ku galay magaalada Goma Jimcihii, isagoo kasoo laabtay iskarantiintii uu isagu isugu jiray tan iyo markii uu xilka baneeyay 2019.

Soo gelitaanka Kabila ee Goma – oo haatan ay gacanta ku hayaan fallaagada M23 tan iyo bishii Janaayo – ayaa abuuray dareen is khilaafsan oo ka dhex jira shacabka deegaanka.

Kabila ayaa loo haystaa eedeymo ah inuu taageero siin jiray kooxaha fallaagada ee ka dagaallama bariga dalka, inkasta oo isagu uu sheegay inuu u yimid sidii uu "door ugu yeelan lahaa geeddi-socodka nabadda." Si kastaba ha ahaatee, muu faahfaahin qorshihiisa ama tallaabooyinka uu qaadi doono.

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019. Hase yeeshee, xiriirka labadooda ayaa xumaaday wax yar kaddib is-weydaarsigii awoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM