Congo: Madaxweyne hore oo Si Kedis ah ku Tegay Magaalo Mucaaradka haysto

Image

GOMA – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Joseph Kabila, ayaa si lama filaan ah ku galay magaalada Goma Jimcihii, isagoo kasoo laabtay iskarantiintii uu isagu isugu jiray tan iyo markii uu xilka baneeyay 2019.

Soo gelitaanka Kabila ee Goma – oo haatan ay gacanta ku hayaan fallaagada M23 tan iyo bishii Janaayo – ayaa abuuray dareen is khilaafsan oo ka dhex jira shacabka deegaanka.

Kabila ayaa loo haystaa eedeymo ah inuu taageero siin jiray kooxaha fallaagada ee ka dagaallama bariga dalka, inkasta oo isagu uu sheegay inuu u yimid sidii uu "door ugu yeelan lahaa geeddi-socodka nabadda." Si kastaba ha ahaatee, muu faahfaahin qorshihiisa ama tallaabooyinka uu qaadi doono.

Kabila ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha hadda xilka haya, Félix Tshisekedi, sanadkii 2019. Hase yeeshee, xiriirka labadooda ayaa xumaaday wax yar kaddib is-weydaarsigii awoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Ka Dhacay Nigeria oo Sababay Khasaare Naf iyo Maalba leh

Waxaa la filayaa in dowladda hoose iyo hay’adaha ammaanka ay war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan saacadaha soo socda.

  • Afrika

    22-10-2025

  • 10:33AM

Masar oo Mar Kale Ka Digtay Khataraha Biyo-xireenka webiga Niil

Madbouly ayaa sheegay in waddamada ku yaalla hareeraha webiga Nile ay la tacaalayaan caqabado la xiriira wadaagista kheyraadka biyaha.

  • Afrika

    18-10-2025

  • 01:47PM