Muwaadin Ameerikaan ah oo lagu dilay dagaalka waddanka Suudaan

Image
Xukuumadda Washington ayaa sheegin magaca shaqsiga, balse waxay tacsi u dirtay qoyskiisa.

KHARTUUM, Suudaan - Mareykanka ayaa Jimcihii xaqiijiyay dhimashada muwaadin Ameerikaan ah oo ku sugnaa Suudaan xilli Jeneraalada dagaallamaya ay doonayaan in ay sheegtaan maamulka dalka ku yaal Bariga Afrika iyadda oo caalamka uu ku baaqayo xabad-joojin.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Kirby, ayaa sheegay in "muwaaddin Mareykan ah oo si naxdin leh loogu dilay" dagaalka. Ma uusan sheegin magaca shaqsiga, balse waxa uu tacsi u diray qoyskiisa.

Pentagon-ka ayaa Khamiistii xaqiijisay in Maraykanku uu dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wado gobolka ka hor inta aan la soo saarin diblomaasiyiin Maraykan ah oo ku sugan Suudaan.

Balse Kirby ayaa carabka ku dhuftey in Maraykanku aanu weli awoodin inuu dhamaystiro dadaalka uu ku ururinayo dhammaan dublamaasiyiinta Maraykanka ka hor inta aan la soo saarin.

"Hannaankaas ma ahan mid dhameystiran. Laakin waxaan ogahay in danjiraha John Godfrey ee halkaas jooga uu aad ka shaqeynayo haddii uu saameyn ku yeelan karo arrintaas," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxay ila tahay inaad fahmi karto in aanay fududayn sida inaad tagsi ku booddo oo aad safaaradda u tagto, waa xaalad khatar ah oo ka jirta Khartoum oo dagaalku weli socdo".

Ugu yaraan 413 qof ayaa ku dhintay in ka badan 3,500 oo kalena way ku dhaawacmeen tan iyo markii 15-kii April uu bilowday dagaalka ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ku dhexmaraya caasimadda Khartoum iyo nawaaxigeeda.

Suudaan ayaa dowlad la’aan ahayd tan iyo bishii Oktoobar 2021, markaasoo millatarigu ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok oo ku meel gaar ahaa, kuna dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ay ku soo rogeen xoogaga siyaasadeed waxa ay ugu yeereen afgambi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM