Muwaadiniin Shiinays ah oo ku dhintay weerar ay fulisay Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Shan qof ayaa la dilay, saddex kale oo uu ku jiro nin u dhashay Shiinaha ayaa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo koox burcad ah ku qaadeen dhismo ka socday gobolka xeebta ee Kenya, sida ay booliisku sheegeen.

Weerarka ayaa Jimcihii ka dhacay gobolka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Shaqaaluhu waxa ay ka dhisayeen buundada Dekedda Lamu, Koonfurta Suudaan, Waddada Gaadiidka Itoobiya (LAPSSET) xilliga weerarka lagu qaaday.

"Afar qof ayaa si xun loo toogtay," ayaa lagu yiri warbixin ay booliisku soo saareen ka dib weerarka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in la dilay nin wada Mooto Bajaajle ah oo ay rasaastu haleeshay, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in ciidamada la dagaalanka argigixisada ay baarayaan dhacdadan.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolka geeska Afrika.

Gobolka Lamu, oo ay ku jirto xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Jaziiradda Lamu, ayaa waxaa ka dhaca weeraro joogto ah, oo inta badan loo adeegsado qaraxyo wadada dhinaceeda lagu aasay.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka fuliyay gudaha dalka Kenya, iyagoo uga aargudanaya ciidamada Nayroobi u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo qeyb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si ay halkaasi uga saaraan mitidiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM