Muwaadiniin Shiinees ah oo lagu dilay goob dahab laga qodo

Image
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, balse waxaa shaki badan soo wajahday isbaheysi hubeysan.

BANGUI, CAR — Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob dahabka laga qado oo muwaadiniin Shiinees ah ay ka howlgalayeen waxaana halkaas lagu dilay sagaal kamid ah laba kalana waa ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Koox falaago ah ayaa markii dadka qaar ku eedeeyeen weerarka hase ahaatee waxaa warkaas loo waayay wax caddeymo ah.

Weerarkan oo dhacay aroornimadii Axadda ayaa ku soo beegmay maalmo un ka dib markii rag hubeysan ay saddex qof oo Shiinees ah ka afduubteen galbeedka dalkaas ee u dhow xadka Cameroon.

Dhacdadan ayaa si degdeg ah waxa u keentay in madaxweyne Faustin Archange Touadera uu qorsheeyo safar uu ku tago Shiinaha "si uu u qanciyo maalgashadayaasha".

Weerarka lagu qaaday godka dahabka ee Chimbolo ayaa bilowday abaaro 5-tii aroornimo markii dableyda ay ka awood roonaadeen ilaalada goobta oo ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay Abel Matipata, oo ah duqa magaalada Bambari ee u dhow, oo ku taal meel 25 kilomitir (16 mayl) u jirta. Daahfurka goobta macdan qodista ayaa dhacday maalmo ka hor.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, balse waxaa shaki badan soo wajahday Isbaheysiga Isbedel-doonka ee CPC oo ka howl-gala deegaanadaasi, isla markaana weeraro joogto ah ku qaada ciidamada dalka.

Isbahaysiga kooxaha fallaagada ayaa la safan madaxweynihii hore ee Francois Bozize kaasoo ay is-hayaan nidaamka haatan haya taladda waddankan rabshaduhu aafeeyeen.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa weli ah mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka in kasta oo ay jirto in waddankan uu hodan ku yahay macdanta dahabka, dheemanka iyo kuwa kale.

Tiro badan oo ka mid ah kooxaha fallaagada ah ayaa si ciqaab la'aan ah uga hawlgalay guud ahaan dalka ay colaaduhu ka jiraan tobankii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo fashiliyay sahaminta macdanta ee shirkado shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM