Muwaadiniin Shiinees ah oo lagu dilay goob dahab laga qodo

Image
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, balse waxaa shaki badan soo wajahday isbaheysi hubeysan.

BANGUI, CAR — Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob dahabka laga qado oo muwaadiniin Shiinees ah ay ka howlgalayeen waxaana halkaas lagu dilay sagaal kamid ah laba kalana waa ku dhaawacmeen.

Falkan ayaa ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Koox falaago ah ayaa markii dadka qaar ku eedeeyeen weerarka hase ahaatee waxaa warkaas loo waayay wax caddeymo ah.

Weerarkan oo dhacay aroornimadii Axadda ayaa ku soo beegmay maalmo un ka dib markii rag hubeysan ay saddex qof oo Shiinees ah ka afduubteen galbeedka dalkaas ee u dhow xadka Cameroon.

Dhacdadan ayaa si degdeg ah waxa u keentay in madaxweyne Faustin Archange Touadera uu qorsheeyo safar uu ku tago Shiinaha "si uu u qanciyo maalgashadayaasha".

Weerarka lagu qaaday godka dahabka ee Chimbolo ayaa bilowday abaaro 5-tii aroornimo markii dableyda ay ka awood roonaadeen ilaalada goobta oo ay rasaas ku fureen, sida uu sheegay Abel Matipata, oo ah duqa magaalada Bambari ee u dhow, oo ku taal meel 25 kilomitir (16 mayl) u jirta. Daahfurka goobta macdan qodista ayaa dhacday maalmo ka hor.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, balse waxaa shaki badan soo wajahday Isbaheysiga Isbedel-doonka ee CPC oo ka howl-gala deegaanadaasi, isla markaana weeraro joogto ah ku qaada ciidamada dalka.

Isbahaysiga kooxaha fallaagada ayaa la safan madaxweynihii hore ee Francois Bozize kaasoo ay is-hayaan nidaamka haatan haya taladda waddankan rabshaduhu aafeeyeen.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa weli ah mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka in kasta oo ay jirto in waddankan uu hodan ku yahay macdanta dahabka, dheemanka iyo kuwa kale.

Tiro badan oo ka mid ah kooxaha fallaagada ah ayaa si ciqaab la'aan ah uga hawlgalay guud ahaan dalka ay colaaduhu ka jiraan tobankii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo fashiliyay sahaminta macdanta ee shirkado shisheeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM