Ujeedka safarka ra'iisul wasaare Abiy Axmed Cali ee dalka Jabuuti

Image

ADDIS ABAA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa ku sugan Jabuuti, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo diblumaasiyadeed. Madaxweyne Ismaaciil Geelle ayuu kulan la leeyahay.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa socdaalkiisa wuxuu daaran yahay arrimo ku saabsan gobolka Geeska Afrika.

Socdaalkan ayaa kusoo hagaagaya xili kulan kulan ay dhowaan yeeshaan hogaamiyeyaasha IGAD looga hadlay isbedelka urur goboleedka.

Isbedelka ayaa ku saabsan dalalka qabanaya xilalka Gudoomiyaha iyo Xoghayaha guud ee fulinta urur goboleedka IGAD.

Kenya ayaa la sheegayaa in laysku raacay in ay qaadato jagada gudoomiyaha, halka Itoobiya ay noqon doonto murashaxa xoghayaha guud.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa la fahansan yahay in ay kasoo horjeesteen arrintaas, iyaga oo doonaya in xilalkaas noqdaan meerto.

Dowladdaha deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya ayaa labadaas jago waxay isku bedelayeen sideedii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar sii horeysay gudbiyey codsiga dalka ee ku aadan xilka gudoomiyaha.

Shir qorshuhu yahay in dabayaaqadda bisha October uu ka qabsoomo Kenya ayaa la filayaa in dalalka qabanaya xilalkaas si rasmi ah loogu caleemo saaro.

Max-suulka safarka Abiy ee Jabuuti ayaa aad isha loogu hayaa, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii loosoo gabagabeyn lahaa ismaandhaafka soo ifbaxaya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhextaala xiisad ka dhalatay dacwad badda, halka Jabuuti iyo Kenya ay isku hayaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaana Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM