Nairobi oo lagu soo rogay amaro la yaab leh nadaafad awadeed

Image
Barasaabka caasimadda Kenya, Ann Kananu, ayaa saxiixdey xeerkan cusub kuna boorisay shacabka in ay fuliyaan.

NAIROBI, Kenya - Barasaabka caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa ansixiyay go'aan maxalli ah oo mamnuucaysa candhuuf lagu tufay goobaha bulshada iyo hindhista fasaleeti la'aan.

Xeerarka cusub ayaa sidoo kale wuxuu mamnuucayaa in muusikada codka dheer lagu ciyaaro goobaha dadweynaha, taas oo ku tilmaamaysa inay tahay mid dhibaysa shacabka.

Sida saxaafadu warisay, waxaa sidoo kale dambi ah ku kaadinta meelaha aan loo baahnayn iyo ku daadinta saaraan biyo wasakh ah waddooyinka ama hababka biyo -mareenka.

Jidadka lagu lugeeyo ayuu xeerkan cusub ilaalinayaan, iyadoo dadka deggan aan loo oggoleyn inay geedaha ama xayndaabyada ku beeraan waddooyinka waxaana kuwa mootooyinka wada ka mamnuuc inay adeegsadaan.

Kadib munaasabada saxiixa xeerkan, Guddoomiyaha Nairobi, Ann Kananu, ayaa sheegtay in magaaladu ay tahay inay noqoto "nadiif iyo nadaafad" maadaama ay tahay "wajiga Kenya".

Kananu ayaa ugu baaqdey dadweynaha in ay u hogaansamaan amarada cusub ee ay soo saartey. Ciidamadda ammaanka ayay fartey in ay ka shaqeeyaan sidii ay u dhaqan-gelin lahaayeen.

Sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah, dadka jebiya amaradan cusub waxay wajihi doonan 12 bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo maxkamada ay go'aamin doonto.

Nairobi waa magaalada ugu dadka badan guud ahaan Kenya. Tirokoobka la sameeyay 2021-ka wuxuu muujinayaa in ay ku nool yihiin in ka badan 2.7 milyan - muwaadiniin iyo ajaaniib ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM