Natiijada doorashada xeerdejinta Itoobiya oo la shaaciyey
ADDIS ABABA, Ethiopia - Xisbiga Barwaaqo Sooranka ee Abiy Ahmed ayaa ku guulaystay kuraasta ugu badan ee doorashada baarlamaanka Itoobiya, sida uu sheegay guddiga doorashada Sabtida maanta ah, waana guul u xaqiijinaysa inuu mar kale xafiiska sii joogo.
Abiy wuxuu amaanay codbixintii 21-kii Juun inay tahay doorashadii ugu horaysay ee xor iyo xalaal ah wadanka kadib tobanaan sano oo xukun cadaadis ah. Si kastaba ha noqotee, qaadacaadda mucaaradka, dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray, rabshado isir ku saleysan iyo caqabado xagga saadka ah oo ka jira meelaha qaar ayaa hareeyay doorashada. Codbixinta kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Itoobiya.
Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystey 410 oo ka mid ah 436 kursta baarlamaanka, sidda gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele ay kaga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Gudoomiyaha Birtukan Mideksa ayaa sheegtay in gudiga uu gaarsiiyay doorasho lagu kalsoonaan karo.
Hogaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega wuxuu sheegay in xisbigiisa Muwaadinimada Cadaalada Bulshada ee (Ezema) uu gudbiyay 207 cabasho kadib markii saraakiisha maxaliga ah iyo maleyshiyaad ay xanibeen kormeerayaasha gobolka Axmaarada iyo Shucuubta Koonfureed.
Doorashada ayaa ahayd tijaabadii ugu horeysay ee taageerada cod bixiyaasha ee Abiy, oo balanqaaday isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale markii loo magacaabay raiisul wasaare isbahaysiga xukuma 2018.
Bilo gudahood markii uu xafiiska qabtay, Abiy wuxuu xayiraadii ka qaaday xisbiyada mucaaradka, wuxuu siidaayay tobanaan kun oo maxaabiis siyaasadeed ah wuxuuna qaaday tillaabooyin uu ku furayo mid ka mid ah suuqyadii ugu dambeeyay ee Afrika ee aan wali la faafin.
Wuxuu hada wajahayaa cadaadis caalami ah oo kusaabsan dagaalka Tigreega iyo eedeymo uga imaanayay kooxaha xuquuqul insaanka oo ku aadan in dowladiisa ay dib ulaabaneyso xuriyadaha qaar oo cusub, taasi oo ay beenisay
Xisbiga Barwaaqo Sooranka ee dhawaan uu dhisay Abiy wuxuu la kulmay mucaaradad kala daadsan. Xisbiyada mucaaradka Ezema iyo Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NAMA) ayaa mid waliba ku guuleystay wax ka yar 10 kursi.
Codbixinta Harar iyo gobollada Soomaaliya ayaa dib u dhacday illaa Sebtember sababo la xiriira walaac ka jira dhanka amniga iyo dhibaatooyinka waraaqaha doorashada.
Majirto waqti loo cayimay coddeynta Tigreega, halkaas oo milatariga ay kula dagaalamayeen xoogag daacada u ah Jabhada Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF), xisbigii horey u xukumi jiray gobolka tan iyo bishii Nofembar. Dagaalkan ayaa waxaa ku barakacay 2 milyan oo qof, Qaramada Midoobayna waxay ka digtay xaaladaha macluusha ee ka jira qaybo ka mid ah gobolka.
Dhamaadkii bishii Juun, kooxda TPLF waxay qabsatay inta badan Tigreega iyo magaalo madaxda gobolka ee Mekelle, waana sideed bilood kadib markii khilaafku qarxay.
Dawladdu waxay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah kadib maalmo horumar ah oo ay sameysay kooxda TPLF. Kooxda TPLF ayaa soo bandhigtay liis ay ku qoran tahay 7 dalab oo ay sheegtay inay shuruud u yihiin xabad joojinta, oo ay kamid tahay in militariga iyo xulafadooda Eritrea ka baxaan qaybo kamid ah Tigreega oo ay hada maamusho gobolka dariska la ah ee Amxaaro, oo waliba sheegta dhulkaas.
GAROWE ONLINE