Niger oo laashay iskaashiga milatari kala dhaxeeyay Mareykanka

Image
Go'aankan ayaa imaanaya xilli Washington ay horey u hakisay kaalmadii ay siin jiray dowladda Niger.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday in go'aan "si degdeg ah" ku dhaqan-galaya ay uga baxdey heshiiskii iskaashiga milatari ee ay la gashay Mareykanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay go’aansatay inay si degdeg ah u cambaareyso heshiiska la xiriira ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee Waaxda Difaaca Mareykanka ee gudaha Niger.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa fiidnimadii Sabtida laga akhriyay telefishanka qaranka ee Niger kaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadda awooda milatari kula wareegay xukunka.

Maraykanka ayaa weli ku sugan dalka Niger waxaana ka joogga ilaa 1,000 askari oo ku sugan saldhig ciidan oo lagu waramay in lagu dhisay 100 milyan oo dollar.

Dhaqdhaqaaqyada halkaas ka jira ayaa xaddidnaa ilaa Julaay 2023 kadib markii uu dhacay afgambi ciidan ee waddankaas iyadda oo Washington ay hakisay kaalmada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM