Nigeria: Arday la afduubtey oo madax furasho lagu sii daayey

Image

ABUJA, Nigeria - Lix arday iyo laba sarkaal oo laga afduubtay bishii hore iskuul ku yaal gobolka Kaduna ee Nigeria ayaa la sii daayay kadib markii qaraabadooda ay bixiyeen lacag madax furasho ah, sida ay sheegeen sarkaal ka tirsan iskuulka iyo waalididiin.

Afduubyada ay geystaan ​​rag hubaysan, oo inta badan loogu yeero Nayjeeriya "burcad", ayaa ku soo noqnoqday waqooyiga Nigeria, taasoo carqaladeysay waxbarashadda boqolaal kun oo caruur ah.

Dableyda ayaa weeraray dhismaha weyn ee Nuhu Bamalli Polytechnic oo ku yaal Kaduna 10-kii Juun waxayna qaateen ardayda iyo xubnaha shaqaalaha, iyadoo khaarijiyey hal arday.

Afhayeenka kulleejka, Abdullahi Shehu, ayaa shaaca wuxuu ka dhigay in ardayda iyo mas’uuliyiinta lasii daayay xilli dambe oo Khamiista todobaadii hore ah meel aan la shaacin.

"Waxay dib u heleen xorriyadooda ka dib markii waalidkood iyo eheladooda ay kala xaajoodeen burcadda," ayuu Shehu u sheegay Reuters, laakiin wuxuu diiday inuu sheego in wadahadallada ay ku lug leeyihiin bixinta madax furasho.

Waalidka cunugiisa la afduubtay ayaa daaha ka rogay in waalidiinta iyo ehelada ardayda ay la xaajoodeen dableyda oo ay bixiyeen lacag madax furasho ah. Balse ma shaacin cadadka ay bixiyeen.

Saminu Bala oo ka mid ah waalidiinta ardayda la sii daayay ayaa yiri: "Aniga ma joogo inaan kuu sheego inta aan ku biirnay oo aan bixinay. Taasi muhiim maahan. Waxa ugu muhiimsan waa inaan helnay xorriyadooda in muddo ah kadib".

Ugu yaraan 10 hay'adood ayaa waxaa haleelay afduubayaal iyo ilaa 1,000 arday iyo shaqaale ah oo la afduubay tan iyo bishii Diseembar, sida ku xusan warbixinta joogtada ah ee dowladda Nigeria ay kasoo saarto falal liddiga ku ah nabad-gelyadda guud dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles