Nigeria: Baadari dad ka dhacay ku dhowaad $1 milyan oo la xiray

Image
Theo O Ebonyi ayaa lagu waramay in uu qof walba oo kamid ah dadka uu dhacay ka qaaday $1,300.

ABUJA, Nigeria - Baadari u dhashay dalka Nigeria ayaa loo xiray eedeymo ah inuu si been abuur ah dadka fara badan uga dhacay lacagtooda, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga ah.

Theo O Ebonyi oo si weyn looga yaqaanay gobolka Benue ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay taageerayaashiisa iyo kuwa kale lacag ka badan 1.3 bilyan oo naira ($930,000; £740,000).

Ebonyi ayaa waxa la xiray laguna sii daayay dammaanad sannadkii hore, hase ahaatee, eedeymaha waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay todobaadkan aynu ku guda jirno.

Afhayeen u hadlay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa laga soo xigtay in Ebonyi uu qof walba oo kamid ah dadka uu dhacay ka qaatay $1,300 isaga oo u sheegay in ay ka badan helayaan.

Mr Ebonyi ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid “been abuur ah” oo ay faafiyeen dadka wax ku qora baraha bulshada. Hase ahaatee, ma uusan ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Nigeria ayaa kamid ah wadamadda ku yaalla qaaradda Afrika ee ay Baadariyiinta ku dhacaan dadka ugu badan iyaga oo adeegsanaya farsamooyin badankooda ah indho-saracaad baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM