Nigeria: Kooxo hubaysan oo afduubtay in ka badan 100 qof

Image
Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta laamaha ammaanka.

Abuja (GO) - Kooxo hubaysan ayaa shalay weerar ku qaaday laba tuulo oo ku yaala waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, iyagoo ugu yaraan 100 qof ka afduubtay guryahooda, sida dadka deegaanka ay u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Usman Dalami Stingooo ka mid ah saraakiisha gobolka Kaguru, ayaa sheegay in dableyda ay weerareen tuulooyin ka tirsan deegaanada gobolka ee maalmihii la soo dhaafay.

Gobolka Kaduna ayaa in ka yar laba toddobaad ka hor lagu afduubay ku dhawaad ​​300 oo arday, waxaana lagu eedeeyay kooxo burcad ah oo ku caan baxay dilal iyo afduubyada ka dhaca waqooyi-galbeed iyo gobollada dhexe ee Nigeria.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wax ka qabasho la’aanta laamaha ammaanka, inta badan kooxahan hubeysan ayaa markii hore ahaa xoolo-dhaqato dirir dhaxmartay dadka deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM