Nigeria: Qaylo-dhaan ka dhalatay gabdho walaalo ah oo la afduubtay
ABUJA, Nigeria - Shan gabdhood oo walaalo ah oo lagu af-duubtay meel u dhow caasimada Nigeria ee Abuja ayaa dhaliyay qaylo dhaan qaran, waxayna sare u qaadday cabsida amni-darro ee dalkaas.
Gabdhaha walaalaha ah ayaa bilowgii sanadkan waxaa la qafaashay dabley kusoo weeraray gurigooda oo 25 kiilo mitir u jira bartamaha magaalada Abuja, sida uu qof qoyska ka mid ah u sheegay AFP.
Goobjoogaha ayaa xusay in kooxda weerarka geysatay ay dileen mid ka mid ah gabdhaha walaalaha ah oo lagu magacaabi jiray Nabeeha Al-Kadriyar oo 21 jir ah, kadib markii uu dhamaaday waqtigii madax furasho.
Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, waxaa socday wada xaajood lagu sii deynayo gabdhaha kale iyadda oo kooxda hubeysan ay dalbatay lacag madax-furasho aan wali la shaacin.
Afduubka madax furashada lagu rabo ayaa dhibaato weyn ku haya Nigeria, iyadoo kooxaha dambiilayaasha ah ay beegsadaan waddooyinka waaweyn iyo guryaha oo ay xitaa ardayda ka qaataan dugsiyada.
GAROWE ONLINE