Nigeria: Qaylo-dhaan ka dhalatay gabdho walaalo ah oo la afduubtay

Image
Afduubka madax furashada lagu rabo ayaa dhibaato weyn ku haya waddanka Nigeria.

ABUJA, Nigeria - Shan gabdhood oo walaalo ah oo lagu af-duubtay meel u dhow caasimada Nigeria ee Abuja ayaa dhaliyay qaylo dhaan qaran, waxayna sare u qaadday cabsida amni-darro ee dalkaas.

Gabdhaha walaalaha ah ayaa bilowgii sanadkan waxaa la qafaashay dabley kusoo weeraray gurigooda oo 25 kiilo mitir u jira bartamaha magaalada Abuja, sida uu qof qoyska ka mid ah u sheegay AFP.

Goobjoogaha ayaa xusay in kooxda weerarka geysatay ay dileen mid ka mid ah gabdhaha walaalaha ah oo lagu magacaabi jiray Nabeeha Al-Kadriyar oo 21 jir ah, kadib markii uu dhamaaday waqtigii madax furasho.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay, waxaa socday wada xaajood lagu sii deynayo gabdhaha kale iyadda oo kooxda hubeysan ay dalbatay lacag madax-furasho aan wali la shaacin.

Afduubka madax furashada lagu rabo ayaa dhibaato weyn ku haya Nigeria, iyadoo kooxaha dambiilayaasha ah ay beegsadaan waddooyinka waaweyn iyo guryaha oo ay xitaa ardayda ka qaataan dugsiyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM