Nin isku qarxin rabay aaska "Libaaxii Muqdisho" oo la qabtey
MUQDISHO, Soomaaliya - Qof looga shakisan yahay in uu yahay is-qarxin ayaa lagu xiray Uganda, isagoo "qorshaynayay" inuu miidaamiyo dad ku baroordiiqayay aaska taliye ciidan oo loo yaqaan "Libaaxa Muqdisho".
Gaashaanle Sarre Paul Lokech waxay naanaystaas ugu baxdey intii uu qeybta ka ahaa howlgalkii ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) bartamihii 2000-meeyadii.
Lokech ayaa kaalin firfircoon wuxuu ka qaatay in magaalada caasimada ah ee Muqdisho laga xoreeyo gacanta maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.
AMISOM ayaa waxay sheegtay in lagu xasuusan doono inuu ahaa “halyeeygii sare ee la dagaalanka xagjiriinta hubaysan wuxuuna ka tagay dhaxal aan marnaba la ilaawi doonin".
55-jirkan, oo ahaa ku-xigeenka kormeeraha guud ee qeybta booliska, ayaa Sabtidii ku dhintay markii dhiigiisa uu xinjiroobay, sida ay ka dhawaajiyeen saraakiisha iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa qorshuhu ahaa inuu ka qeybgalo aaska oo Jimcada maanta ah ka dhacay degmada Pader ee waqooyiga waddanka Uganda.
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay gelinkii dambe ee Khamiista guri uu marti ku ahaa oo ku dhow Pader kadib hawlgal ay iska kaashadeen laamaha ammaanka.
Afhayeenka ciidanka Flavia Byekwaso ayaa xustay in lagu helay isaga oo wata alaabo badan oo qarxa, oo ay ku jiraan bacaha bambooyinka, jaakadaha is-qarxinta, qarxiyaasha, fiilooyinka iyo sulphate ammonium.
"Dadka la sheegay inay la socdeen ayaa la aqoonsaday waxaana socda hawlgal lagu baadi goobayo," ayay tiri iyadda oo dadweynaha ku boorisay in ay kusoo war-geliyaan dhacdooyinka kasoo horjeeda nabad-gelyadda.
GAROWE ONLINE