Nooca cusub ee Covid-19 oo ka dilaacay xeebaha Soomaaliya
SEOL, South Africa - Kuuriyada Koofureed ayaa ka daabuleysa xeebta Soomaaliya dhammaan ciidammada la dagaallanka burcad-badeednimada ee Cheonghae kadib markii lix askar oo la socdey markabka bur-buriyaha ah laga helay nooca cusub ee safmarka Coronavirus.
Wasaaradda gaashaandhigga ee waddankaas ayaa Jimcihii sheegtay in Seoul ay booyado cirka u diri doonto Unugga Cheonghae, oo hadda ku guda jira howlgalka markabka 4,400-tan ee Munmu the Great burburiye, ka dib markii 80 ka mid ah 300 oo askari ay muujiyeen astaamo u dhigma COVID-19, sida ay warisay majaladda Yonhap.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in milatariga uu sheegay in qeybta la dagaalanka burcad badeeda ay ka baxeen Kuuriyada Koofureed bishii Febraayo. Ciidamada ayaa tagay biyaha Soomaaliya bishii Febraayo iyaga oo aan la tallaalin, laakiin xubnaha qaar ayaa awooday in ay ku helaan talaal dibada ah bilowgii bishii May.
"Wasaaradda gaashaandhigga ayaa muujisay sida ay uga xun tahay ka dib markii warbixinnada maxalliga ah ay soo jeediyeen in dowladda aysan qaadin wax talaabo ah si looga hortago faafitaanka fayraska ee baabi'iyaha ah," ayuu daabacay bogga Herald Business oo soo xiganaya saraakiil dowladeed oo magacooda qariyey.
Seoul waxay difaacday go'aankeeda ku saabsan tallaalada cutubka. Maamulka caafimaadka ayaa markii hore sheegay in talaalada Pfizer COVID-19 ay u baahan yihiin in lagu keydiyo ugu yaraan 79 darajo Celsius ah, laakiin bishii Juun waxaa la xaqiijiyay in talaalka lagu keydin karo qaboojiyaha 2 ilaa 8 darajo Celsius waase kaliya hal bil.
"Bishii Febraayo, ciidamada Kuuriyada Koonfureed ee da'doodu ka yar tahay 30 jir ayaa kaliya haystay fursad ay ku qaataan tallaalka Pfizer ama ma aysan heli karin ka hor ama inta lagu gudajiray howlgalka qayb ahaan sababo la xiriira shuruudaha kaydinta Pfizer oo markii dambe dib loo eegay," ayay xukuumadda Seoul tibaaxdey.
Askarta ayaa laga baarey fayruska ka hor intaanay bilaabin hawlgalkooda. Sida laga soo xigtay News 1, askarta ayaa maray labo baaritaan oo ah COVID-19, Janaayo 25 iyo Febraayo 5. "Qof walba sidoo kale waxaa laga mamnuucay inuu la xiriiro dadka kale labo toddobaad ka dib tijaabadii ugu horeysay," ayay warbixinta raacisay.
Ciidamada saarnaa diyaarada ayaa bilaabay inay muujiyaan astaamo 28-kii Juun, oo ay ku jiraan qandho iyo qufac, sidda ay wararku tilmaamayaan. Ururka 31-aad ee qeybta Cheonghae ayaa gacan ka geysanayey dadaalada caalamiga ah ee amniga badaha gacanka Cadan.
GAROWE ONLINE