Pakistan: Weerar gaadmo ah oo lagu dilay sideed qof oo rakaab ah
ISLAMABAD, Pakistan - Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari bas ah oo marayay meel u dhow magaalada Chilas ee waqooyiga Pakistan, halkaasi oo ay ku dileen sideed qof oo rakaab ah, ku dhawaad labaatan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa gobolka.
Muxamed Cali Johar, oo ah afhayeenka maamulka gobolka, ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay rasaas ku fureen baska fiidnimadii Sabtida, dadkii ku dhaawacmayna loo qaaday isbitaal deegaanka ah.
Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in la rasaaseeyo.
Weerarkan ayaa yimid iyadoo ay sare u kaceen weerarada hubeysan ee ka dhacaya guud ahaan dalka, gaar ahaan Khyber Pakhtunkhwa iyo Koonfur-galbeed ee Balochistan.
Labada gobol waxay xuduud la leeyihiin Afgaanistaan.
Bishii Luulyo, qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ku beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee degmada Bajaur ee Pakistan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 44 qof kuna dhaawacay ku dhawaad 200 oo qof, sida ay saraakiishu sheegeen.
Bishii la soo dhaafay, saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka Pakistan ayaa lagu weeraray bartamaha gobolka Punjab, kaasoo ay ciidamadu sheegeen in si guul ah ay isaga caabiyeen. Ma jirto kooxo sheegtay falalkan balse waxaa lala xiriiriyay kooxda Daacish taasoo gobolkan isku fidisay markii Taliban ay timid xukunka.
GAROWE ONLINE