Qaraar ka dhan ciidanka Eritrea geysay Tigray oo la ansixiyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Golaha xuquuqul insaanka ee UN-ka ayaa maanta ansixiyay qaraar walaac xoogan ka muujiyay xadgudubyada ka dhacay gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigray waxayna ku baaqayaan in si deg deg ah looga saaro ciidamada Eritrea oo ay sheegeen inay "sii hurinayaan khilaafka".

Iska hor imaadyo ayaa ka socday Tigray sideed bilood ka hor una dhaxeeyay ciidamada dowladda dhexe iyo xisbiga haya talada gobolkaas ee TPLF. Dagaaladda ayaa ku qasbay ku dhowaad 2 milyan oo qof inay ka qaxaan guryahooda waxayna ku dhowaad 400,000 oo qof geliyeen xaalad macluul daran ah.

Danjire Lotte Knudsen oo ah madaxa wafdiga midowga yurub ee Qaramada Midoobay ee Geneva oo keenay qaraarka ayaa yiri "Waxa ka socda gobolka Tigray ee itoobiya waa wax laga naxo. Waa lagama maarmaan in Golaha Xuquuqul Insaanku awood u yeesho inuu wax ka qabto xaaladdan qalafsan".

Qaraarka Midowga Yurub ayaa waxaa lagu meel mariyey cod 20 dal oo ogolaatay, 14 way diideen 13 way ka aamuseen. Xubin ka tirsan golaha Eritereya ayaa u codaysay diidmada qaraarka.

Bixitaanka ciidammada Ereteriya, oo uu dalku markii hore diiday in ay halkaas ku sugnaayeen, ayaa sidoo kale ah dalab muhiim ah oo ay madaxda Tigreegu ka doonayaan wadahadallada xabad joojinta. Ereteriya way beenisay xadgudubyada xuquuqda.

Wakiilka Ethiopia, oo aan hada ka mid ahayn 47 xubnood ee golaha, ayaa sheegtay inay si cad u diiday qaraarka, waxaana ay ku qeexdey mid salka ku haya "arrimo laga leeyahay dano gaar ah".

Danjire Mahlet Hailu Guadey ayaa yiri: "Go'aankani wuxuu muujinayaa nacayb loo hayo baaritaanka wadajirka ah ee socda iyadoo ujeedadu tahay in saameyn lagu yeesho gabagabada," ayay tiri Danjire Mahlet Hailu Guadey oo tixraaceysa baaritaan ay wadaan gudiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee ay dowladdu maamusho iyo Qaramada Midoobay oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda ee lagu eedeeyay.

In ka badan toban isbeddel oo ay keeneen Shiinaha, Venezuela iyo Eritrea - oo ay ku jiraan mid muhiim ah oo meesha ka saari lahaa tixraaca ciidamada Eritrea - dhammaantood goluhu wuu ku diiday codad gooni ah.

Wakiilka Shiinaha, Jiang Duan, oo ka codeeyay qaraarka Midowga Yurub, wuxuu u sheegay golaha in qaraarka uu leeyahay "cilado waaweeyn" uuna "sii murginayo" xaalada Tigray halkaasoo ay haatan magaalooyinka waaweyn ay maamulayaan xoogaga jabhadda TPLF ka gedaal markii ay baxaan ciidamada Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles