Qaramada Midoobay oo ka qaylo-dhaamisay xaaladda Suudaan

Image
Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeys ayaa sidoo kale waxa ay eedeyn u jeedisay beesha caalamka.

NAIROBI, Kenya - Kadib ku dhawaad ​​sanad oo uu socday dagaalka, Suudaan waxaa ka jira mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa taariikhda dhow, sidda ay ka digtayQaramada Midoobay.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeys ayaa sidoo kale waxa ay beesha caalamka ku eedeysay wax ka qabasho la’aan ku aadan musiibadda bini'aadanimo ee ka oogan dalkaas.

"Dhammaan tallaabooyinka - baaxadda baahida bini'aadantinimo, tirada dadka barakacay iyo kuwa ay soo food saaray gaajo - Suudaan waa mid ka mid ah masiibooyinka bini'aadantinimo ee ugu xumaa ee in muddo ah la xasuusto," ayay Arbacadii tiri Edem Wosornu, Agaasimaha Hawlgallada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani'aadamnimada [UNOCHA].

Edem ayaa intaas ku dartey: "Xaalado bini'aadantinimo ayaa ka socda Suudaan iyadoo ay huwan yihiin feejignaan la'aan caalami ah". Edem ayaa hadalkan wakiil uga ahayd madaxa UNOCHA Martin Griffiths.

"Si fudud haddii loo dhigo, waxaan ku guul darreysaneynaa in aan u gurmano dadka Suudaan," ayay raacisay, iyada oo sharraxaysa "rajo-xumada" dadka.

Dagaalka u dhexeeya taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo ku xigeenkiisii ​​hore, Mohamed Hamdan Daglo, ayaa tan iyo bishii April dilay tobanaan kun wuxuuna horseeday cunto yari ba'an iyo khatar macaluul ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM