Qarax xooggan iyo rasaas laga maqlay caasimada Suudaan
KHARTUUM, Suudaan - Qarax iyo rasaas ayaa Sabtida maanta ah waxaa laga maqlay caasimada Suudaan ee Khartuum maalmo kadib markii diblumaasiyinta ay ka digeen isku-dhac hubeysan.
Warar horudhac ah waxay sheegayaan in goobaha xabada laga maqlay ay kamid yihiin xarumaha ciidamada milatarigan dalka iyo wasaaradda gaashaandhiga.
Falkan oo warbaahinta si weyn u tabisay ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay taagneyd xiisad u dhaxeysa milatariga iyo ciidamo qaabilsan ka hortagga rabshadaha.
Muuqaalo laga helay caasimada Suudaan ee Khartuum ayaa muujinaya ciidamo ku hubeysan qoryo culus oo sii galaya garoonka diyaaradaha. Duulimaadyada ayaa hakad ku yimid.
Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana ay kasii dari kartaa daqiiqad walba, sidda ay sheegayaan goobjoogeyaal ay soo xigatay warbaahinta laga leeyahay Qadar ee Al Jazeera.
Is—rasaaseynta laga maqlay caasimada Suudaan ee Khartuum ayaa lasoo wariyay in ay kusii fiday agagaarka Madaxtooyadda dalkan. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa.
Xoogaga Suudaan ee ka hortagga rabshadaha ee loo yaqaano RSF ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen gacan-ku-haynta qasriga Madaxtooyadda waddankaas iyo garoonka diyaaradaha caasimadda Khartuum.
Danjiraha Mareykanka ee Suudaan, John Godfrey, ayaa qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa Twitter—ka waxa uu ku sheegay "in isaga iyo howlwadeenada safaaradda ay gabaad-sanayaan goob ammaan ah".
Hogaanka milatariga ayuu ku tartarsiiyay in ay xabada joojiyaan. "Xaalada oo u gudubta dagaal khatarteeda ayay leedahay," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Labo diyaaradood oo ay kala leeyihiin shirkaddaha duulimaadyada Sacuudiga iyo Suudaan ee "Saudi Airlines iyo Sun Air" ayaa ku gubtey garoonka Khartuum ka gadaal markii la duqeeyay. Lama soo warin khasaaro nafeed.
Madaxa Xoogaga RSF ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay isku-dayayaan afgembi. Saraakiil daacad u ah madaxwaynihii la inqilaabay Cumar Al-Bashiir ayuu xusay in ay "shirqoolkan maleegeen". Dagaalameyaashiisa ayuu ku doodey in lagu qasbay in ay dagaalka galaan.
Dhankiisa, Taliyaha Milatariga dowladda Suudaan ahna Gudoomiyaha golaha madax-banaanida ee dalkaas, General Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa ku goodiyey in ay haystaan ciidamo ku filan.
Xoogaga RSF ayuu ku waaniyey in ay dib ugu laabtaan xerooyinkooda. "Haddii uu dagaalka sii socdo, milatariga wuxuu caasimada Khartuum kasoo geli doonaa jiho kasta," ayuu u sheegay Al—Jazeera.
Geesta kale, isku-dhac u dhaxeeya milatariga waddanka Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa ka qarxay magaalada Nayaala ee xarunta gobalka Koonfurta Daarfuur.
Dagaalkan ayaa imaanaya xilli laga cabsi qabo in magaalooyin kala duwan ay ku fido colaada ka bilaabatay caasimadda Khartuum. Geerida saddex qof iyo dhaawaca tobanaan ayaa illaa haatan la xaqiijiyey.
Isku-dhacan ayaa ah xiisad ka dhalatay qorshe dib-u-habeyn oo la doonayey in lagu sameeyo ciidanka gaar ahaan in maleyshiyaad aad u hubeysan lagu daro askarta rasmiga ah ee waddankan.
GAROWE ONLINE