Qaraxyadii Kampala oo la shaaciyay inay Is-miidaamin ahaayeen [Yaa fuliyay?]

Image

KAMPALA, Uganda - Afhayeenka booliska Uganda Fred Enanga ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Maanta bartamaha Kampala ay fuliyeen saddex qof oo isku soo xiray walxaha qarxa.

Weerarada mataanaha ah ayaa ahaa is-miidaamin, iyadoo lala eegtay goobo muhiim ah, sida xarunta Baarlamaanka iyo saldhigga dhexe ee Booliska Uganda, ee ku yaalla Caasimadda.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, oo kala ahaa saddexdii qof ee is-qarxiyay iyo saddex kaloo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 33 qof, oo intooda badan shacab ahaa, iyadoo ay ku jiraan saraakiil boolis.

Qaraxyada ayaa sababay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka Uganda, waxaana goobta la geeyay Ciidamo boolis ah, oo baaritaan sameynaya. Illaa hadda ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka oo noqoya kii 2aad tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Waxyaabo kale oo qaraxyo loo adeegsan lahaa ayay Ciidamada soo qabteen. Madaxweyne Museveni ayaa horey u sheegay in dalkiisa ay khatar ku hayso Kooxda Al-Shabaab, oo falal argagaxiso ka fulinaysa.

Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana dalka horey u beegsatay Kooxda Al-Shabaab oo qaraxyo dhowr ah ka fulisay Kampala, waxaana ugu weynaa midkii dhacay 2010 kaasoo ku dhawaad 80 qof lagu dilay.

Amaanka dalalka deriska ayaa sare loo qaadey kadib qaraxyada Kamapala, iyadoo Kenya oo dhibane u ah weerarada Al-Shabaab ay heegan gelisay Ciidamadeeda magaaladda Nairobi ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM