Qaraxyo lagu weeraray xeryo milatari oo ku yaalla Mali
MUQDISHO, Soomaaliya – 15 askari iyo lix qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay dalalka Mali iyo Burkina Faso oo ah dalalka deriska oo dhaca galbeedka Afrika isla markaana dagaal kula jira kooxaha hubeysan.
Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray saddex xero oo ciidan oo ku yaalla bartamaha dalka Mali , sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen milaterigu. Lix askari ayaa lagu dilay xerada Sevare, 15 kalana waa lagaga dhaawacay, shan kalena waxaa lagu dhaawacay laba goobood oo kale.
Dhanka xuduuda waqooyiga Burkina Faso, weeraro isku mar ah ayaa lagu qaaday saldhigyada militariga ee Gaskinde iyo Pobe-Mengao, waxaana lagu dilay sagaal askari iyo lix qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan labo ka tirsan kooxdii weerarka soo qaaday, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray militarigu.
Ilaa 30 askari ayaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex weerar oo ka dhacay dalka Mali oo ay sheegatay Katiba Macina, oo ah koox xiriir la leh daaciga caanka ah ee Amadou Koufa.
Katiba Macina waa qayb ka mid ah Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta, isbahaysi xiriir la leh Al-Qaacida oo ka hawlgala gobolka Saaxil.
"Mujaahidiinta Katiba Macina waxay weerareen saddex xero oo ay ku sugnaayeen (ciidamada hubaysan ee Mali)," xubin ka tirsan kooxda ayaa ku sheegay fariin cod ah oo loo diray AFP.
"Waxaan isku mar ku garaacnay xeryahan shan daqiiqo gudahood. Dhimashada [marka laga reebo], waxaan u geysanay waxyeelo maaddo ah,” ayaa lagu yiri codka la duubay.
Ilo-wareedyo ka tirsan Milliteriga ayaa sheegay in 11-dagaalyahan ee weerarka soo qaaday lagu dilay Weerarkii lagu qaaday Xeradda Milliteriga ee Sevare, halkaasoo laga soo furtay Labo Qori oo AK-47 ah, Taleefannada gacanta iyo Qalab kale oo Millateri oo ay wateen kuwa la dilay.
Codsi ayaa loo diray Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Maali oo lagu raadinayo in ciidan faragelin degdeg ah loo diro xerada Sevare, sida uu xaqiijiyay xubin ka tirsan howlgalka.
Kooxaha militariga ayaa xoog ku qabsaday dalalka Mali iyo Burkina Faso labadii sano ee la soo dhaafay iyagoo ballan qaaday inay sugi doonaan ammaan ka weyn kuwii ka horreeyay ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay. Laakin werarada gacan ka hadalka ah ee lagu hayo dadka rayidka ah iyo ciidamada ayaa weli socda.
Ciidamada qalabka sida ee labada dal ayaa lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah iyagoo isku dayaya in ay xididada u siibaan kooxaha mucaaradka ah ee ku nool dhulka saxaraha ah ee miyiga ah.
Dhanka koonfureed ee fallaagada oo ka soo dhaqaaqday waqooyiga Mali ayaa ku kaliftay Faransiiska in uu faragelin militari ku sameeyo 2013 markii ay kordheen rabshadaha.
Bishii Febraayo, Paris ayaa ku dhawaaqday inay soo afjareyso hawlgalka milatari ee muddada tobanka sano ah ka socday Mali iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa kooxda militariga Bamako oo lagu eedeeyay inay adeegsatay calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka tirsan kooxda Wagner, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana la saaray cunaqabatayn.
GAROWE ONLINE