Qaylo-dhaan horleh oo kasoo yeertay Jaadleyda Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Ganacsatada Qaadka miiraha Kenya ayaa shaaca ka dhigay in go'aankii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay ku khasaareen $46,926.

Afhayeenka Ururka Ganacsatada Jaadleyda Nyambene ee Kenya, Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in xamuulka miraha uu wali yaallo madaarka tan iyo subaxnimadii Isniinta.

Munjuri oo dowladdiisa ka dalbadey kaalmo ayaa ku eedeeyay qeyb ka mid ah dadka degaanka iyo ganacsatada inay ku dhaqmaan dacaayad si dib loogu bilaabo dhoofka maandooriyaha.

Wararku waxay xusayaan in Jaadleyda ay garoonka diyaaradaha Nairobi ka celiyeen 12 tan oo maandooriyahaas ah kadib go'aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho waxay xustey in wali aysan isbedelin siyaasadeeda Jaadka Kenya wallow labada dal soo celiyeen xiriirka diblumaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa Khamiista todobaadkii hore waxay dib u soo celiyeen xiriirka diblumaasi. Balse, wali ma aysna isla meeldhigin dhameystirka qodob Jaadka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM