Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku guuleystay Nobel Peace Prize

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa wuxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ee sanadkan 2019.

Abiy, oo 43-sano jir ah, kana kasoo jeeda qowmiyada Oromada, ayaa bishii April ee sanadkii hore 2018-ka waxa uu noqday wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa.

Sidda uu shaaciyey Guddiga bixiya biladan oo xaruntiisu tahay Norway, Abiy ayaa ku muteystay dedaaladii uu ku bixiyey soo afjarida colaada dalkiisa kala dhaxeysay Eritrea.

"Dedaalada uu ku bixiyey iskaashiga caalamka ayuu sidoo kale ugu qulmaa," ayaa sidoo kale lagu yiri war qoraal ah oo guddiga kasoo baxay Jimcadda maanta ah.

Dalalkan deriska ah ayaa waxay colaad ka dhaxeysay muddo ku suntay 20-sano ah kadib iska hor-imaadkii is-qabqabsiga xuduudka ee intii u dhaxeysay 1998-2000.

Hogaamiyeyaal caan ah oo dunida dacaladeeda ku nool ayaa durba waxay Abiy Axmed Cali ugu soo hambalyeeyeen guusha lama filaanka ah ee uu soo hooyatay.

Sanadkii hore 2018-kii, waxaa jaa'izadan si wadajir ah ugu guuleystay Denis Mukwege, oo ah dakhtar reer Congo ah iyo Nadia Murad, haweenay u dhalatay Ciraaq.

Labadan shaqsi ayaa waxaa loogu gartay biladda kadib markii ay door muuqda ka qaateen ciribtirka tacadiyada ka dhan ah haweenka marka la joogo goobaha dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM