Riyaddii Kenya ee shidaal baarista oo god mugdi ah kusii dhacaysa

Image
Shirkadda British-ka ah ayaa filaysa in ay soo ceshato 585 milyan oo foosto oo saliid ah mashruuca mudada uu socdo.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa ku guuldaraysatay sahmin ceelka shidaalka ee Mlima-1,oo ku yaal Lamu meel ka baxsan xeebta Badweynta Hindiya ee Kenya, ka dib markii quburadii ku howlaneed barista ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen barista.

Natiijooyinka sahaminta oo ay xogteeda sii daayeen kooxda tamarta Talyaaniga Eni, waxay muujineysaa in si fiican loo caddeeyey in aan saliid laga heli karin taas oo waajib ka dhigaysa in "laga tago," ka dib markii lagu guuldareysatay sahminta kaydka saliidda.

Natiijadu waxay dhabarjab ku noqotay rajadii Kenya ee ahayd in ay noqoto waddan ganacsi oo soo saara saliidda badda. Iyadoo wax-soo-saarku uu sannado fasax ahaa xitaa haddii ay dhacdo in shidaal weyn la helo, natiijooyinkii ugu dambeeyay ayaa dilay riyadii Kenya ee ahaa ka faa'iidaysiga kaydka saliidda iyo gaaska badda.

Khuburada iyo kooxda sahanka ayaa muujiyay in inta u dhaxaysa afar bilyan iyo 4.5 bilyan oo fuusto oo saliid ah laga yaabo in ay ku jiraan gunta hoose ee biyaha Badweynta Hindiya. Xogtii hore waxay muujisay jiritaanka kaydka saliidda, waxa farsamo ahaan loogu yeero ''nidaamka batroolka firfircoon'' ee aagga.

Ceelkaan oo ku yaalla Lamu Basin ayaa si weyn loo saadaalinayay inuu Kenya u soo bandhigo fursad kale oo ay ku noqon karto mid ka mid ah wadamada soo saarta saliidda, toban sano ka dib markii shirkadda sahaminta ee Tullow Oil ee Ingiriis ay samaysay shidaalkii ugu horreeyay ee Kenya laga helo gobolka Turkana ee koonfurta Lokichar, kaas oo aan wali la iibin.

Ceelkaan waxa uu ku yaalaa meel 170km u jirta xeebta, waxa uu hoos yimaadaa bada oo shirkada Eni rr fadhigeedu yahay Roma ku hawlaneed baaritaanka iyo qodistiisa ilaa dabayaaqadii Decembar 2021.

Shidaal qodista Kenya waxaa dib u dhigay dhowr arrimood oo ay ku jiraan shuruudo la xiriira u hoggaansanaanta shaqaalaha borotokoolka ee Wasaaradda Caafimaadka si loo xakameeyo Covid-19.

Sahamiyeyaasha saliidda iyo gaaska ayaa u isticmaalay sahannada seismic si ay u soo saaraan sawirro faahfaahsan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dhagaxaanta iyo meesha ka hooseysa oogada dhulka iyo si loo go'aamiyo goobta iyo xajmiga kaydadka saliidda iyo gaaska ee suurtogalka ah.

Ku guuldaraysiga Kenya ee ceelka Lamu Basin waxa ay sii xoojisay dadaalka Nairobi ee aaddan soohdinta badda iyada oo uu jiro muran soohdin badeed kala dhexeeya Soomaaliya.

Shirkada shidaalka ee Tullow ayaa cadaadis kala kulantay Kenya si ay u horumariso ceelasha saliidda Turkana oo ay filayso in ay soo saarto ilaa 120,000 oo fuusto maalintii marka la bilaabo wax soo saarka.

Tullow iyo la-hawlgalayaasheeda mashruuca, Africa Oil and Total, waxay markii hore qorsheynayeen inay gaaraan go'aanka maalgashiga ugu dambeeya ee 2019 iyo soo saarista saliidda ugu horreysa inta u dhaxaysa sanadkan iyo sanadka soo socda.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, Tullow waxa ay dawladda Kenya u soo bandhigtay Qorshaha Horumarinta Goobeed ee wax-ka-beddelka ee saliidda kaydka saliidda ee Turkana, wakhtigaas oo ay ku beegmay wakhtigii loo qabtay ee Decembar 2021.

Haddi aan qorshaha lagu soo gudbin waqtigii loogu talagalay, markaas waxay halis u geli lahaayeen in ay waayaan tanaasulaad ku saabsan sahaminta saliida sida ku qeexan qandaraas wadaagga wax soo saarka. Shirkadda British-ka ah ayaa filaysa in ay soo ceshato 585 milyan oo foosto oo saliid ah mashruuca mudada uu socdo.

Hada hadii ganacsi ahaan laga soo saari karo ee dooxada Turkana South Lokichar ayaa kor u kacday 585 milyan oo barmiil qiyaasti hore oo ahayd 433 milyan oo fuusto, sida ay sheegtay shirkadda la-talinta shidaalka ee Gaffney Cline Associates ee Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM