Ruushka iyo Itoobiya oo isku fahmay iskaashi laba geesood ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Vladimir Putin oo Moscow ku kulmay ayaa isla meel-dhigay iskaashi ay ka yeesheen ciidanka iyo dhaqaalaha.

Xafiiska wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa shaaca ka qaadey in is-afgaradka labadda dhinac ay hogaamiyeyaasha qalinka ku duugeen.

Dhinaca kale, Abiy ayaa la fariistay madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, oo ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin dhismaha biyo xireenka xiisada ka dhex-qarxiyey.

"Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ku nuux-nuux saday in hadafka dhismaha uusan ahayn waxyeelayn," ayuu ku daray bayaanka.

Kulamaddan ayaa dhacay markii madaxdu ka qeybgashay shirweynaha iskaashiga Ruushka iyo qaaradda Afrika.

Isaga oo ka hadlayey shirka, Abiy ayaa cod dheer wuxuu ku qeexay in ay ka go’an tahay horumarka iyo is-dhexgalka wadamada aduunka.

Xoojinta xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale oo ay yeeshaan Afrika iyo Ruuska ayuu ku qeexay mid horusocod u keenaysa mandiqada.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali oo sanadkan ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ayaa wuxuu dib ugu laabtay Addis Ababa kadib gabagabda shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM