Safaaradda Pakistan ay ku leedahay Khartuum oo la weeraray

Image
Dhowr diblumaasiyiin ajnabi ah ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu beegsaday caasimadda Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Safaaradda Pakistan ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa la weeraray Arbacadii ka gadaal markii ay isku dhaceen ciidamada Suudaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF).

War qoraal ah oo ay safaaradda soo saartay kuna faafisay baraheeda rasmiga ah ayay ku sheegtay in dhismahooda ay haleeshay saddex xabadood intii uu socday iska hor-imaadka.

"Tani waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah Axdiga Vienna maadaama Dowladda Martigelinaysa ay mas'uul ka tahay sugidda ammaanka ergada diblomaasiyadeed," ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya Suudaan "inay is xakameeyaan" waxayna ka codsatay dowladda Suudaan "inay si deg deg ah u geyso ciidamo ammaan ah ilaalinta iyo ammaanka safaaradda Pakistan."

Dhammaan muwaadiniinta Pakistan ee ku sugan Suudaan ayay ku waanisay "inay joogaan guryaha oo ay ka fogaadaan bixitaannada aan loo baahnayn sababtoo ah xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa."

Dhowr diblumaasiyiin ajnabi ah ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro lagu qaaday dalka Suudaan oo tan iyo Sabtidii todobaadkan ay ka dhacayaan dagaalo qaraar oo dhimasho badan sababay.

Ku dhawaad ​​300 oo qof ayaa lagu dilay dalka Suudaan sababo la xiriira iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada iyo ciidamada gurmadka degdega ah ee RSF, sidda uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM