Safaaradda Pakistan ay ku leedahay Khartuum oo la weeraray

Image
Dhowr diblumaasiyiin ajnabi ah ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu beegsaday caasimadda Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Safaaradda Pakistan ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa la weeraray Arbacadii ka gadaal markii ay isku dhaceen ciidamada Suudaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF).

War qoraal ah oo ay safaaradda soo saartay kuna faafisay baraheeda rasmiga ah ayay ku sheegtay in dhismahooda ay haleeshay saddex xabadood intii uu socday iska hor-imaadka.

"Tani waa xadgudub bareer ah oo ka dhan ah Axdiga Vienna maadaama Dowladda Martigelinaysa ay mas'uul ka tahay sugidda ammaanka ergada diblomaasiyadeed," ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya Suudaan "inay is xakameeyaan" waxayna ka codsatay dowladda Suudaan "inay si deg deg ah u geyso ciidamo ammaan ah ilaalinta iyo ammaanka safaaradda Pakistan."

Dhammaan muwaadiniinta Pakistan ee ku sugan Suudaan ayay ku waanisay "inay joogaan guryaha oo ay ka fogaadaan bixitaannada aan loo baahnayn sababtoo ah xaaladda ammaanka oo sii xumaanaysa."

Dhowr diblumaasiyiin ajnabi ah ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro lagu qaaday dalka Suudaan oo tan iyo Sabtidii todobaadkan ay ka dhacayaan dagaalo qaraar oo dhimasho badan sababay.

Ku dhawaad ​​300 oo qof ayaa lagu dilay dalka Suudaan sababo la xiriira iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada iyo ciidamada gurmadka degdega ah ee RSF, sidda uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM