Safiirka Mareykanka oo shaaciyey hadal waji gabax ku ah DFS

Image

NAIROBI, Kenya – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan kaga hadlay qaraarkii ay xukuumadda Nairobi u gudbisay UN-ka ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab kaasoo laga diiday.

Soomaaliya oo dhankeeda kasoo horjeestay soo jeedintaas ayaa sheegtay dowladdo ay ku jiraan Mareykanka ay ku taageereen qaraarkaas oo codsanaya in Al-Shabaab urur argagixiso oo caalami ah loo aqoonsado.

Hase ahaatee waxaa war ka duwan arrinkaas daboolka ka qaaday Kyle McCarter, kaasi oo carabka ku adkeeyay in dowladiisu ay si buuxda u taageertay qaraarkaas, wuxuuna xusay in Al-Shabaab u arkaan urur argagixiso.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 751 ayaa dhinacyada qaadacay waxay ku doodayaan in uu waxyeeleynayo gargaarka bini'aadanimo ee dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

McCarter, safiirka xukuumadda Washington u fadhiya Nairobi, oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in ay xoojinayaan gulufka xagjiriinta.

"Ma jiraan wax su'aallo ah. Mareykanka wuxuu Al-Shabaab u arkaa argagixiso, waxa uuna adeegsan doonaa wax kasta oo qaraarka ku jira si uu u ciribtiro argagixisadda," ayuu u sheegay The Star.

Balse waxa uu wakiilku si cad u tibaaxay in Mareykanka uusan ku taageeri doonin Kenya in la jaro gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan mid caddeyo codsiga Kenya ee qaraarka 1267 wuxuu meesha ka saaayaa gargaarka bini'aadanimo ee Soomaaliya," ayuu raaciyey, isaga oo tilmaamaya in ay diidan yihiin arrintaas.

Kenya ayaa iska caabineysa Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadda wadankaas ay galeen Soomaaliya 2011-kii, iyaga oo dib kaga biiray howlgalka nabad-illaalinta Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM