Safiirka Mareykanka u fadhiya Sudan oo ku dhaawacmay shil gaari

Image
Mr Godfrey waa safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo u fadhin doona dalka Suudaan ku dhawaad ​​rubuc qarni.

NAIROBI, Kenya - Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Suudaan John Godfrey ayaa laga saaray isbitaal kadib markii uu dhaawac fudud ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Safaaradda oo qoraal kooban ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay Twitter-ka ayaa sheegtay in labo shaqaale oo kale ay sidoo kale waxyeelo kooban kasoo gaartey shilkaas.

Ma aysan caddeyn sababta keentay shilkan balse waxay xaqiijisay in seddexda qof loo qaaday isbitaal si loo qiimeeyo xaaladooda ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

"Danjire Godfrey ayaa hadda ku nasanaya guriga," sida ay safaaraddu ku soo qortay barteeda Twitter-ka. Balse, ma aysan kala saarin haddii uu shaqada si caadi ah usii wadan doono.

Mr Godfrey waa safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo u fadhin doona dalka Suudaan ku dhawaad ​​rubuc qarni wuxuuna dalka yimid bishii August ee sanadkii 2022-kii.

Labada dal ayaa waxay "bog cusub" u fureen xiriirkooda sanadkii 2021 ka dib markii Sudan ay dhamaystirtay bixinta magdhowga dhibanayaasha Maraykanka ee weeraradii argagixisada ee Kenya, Tanzania iyo Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM