Sagaal Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku qaraqmay xeebaha Tunisia

Image
Muhaajiriintaan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

TUNIS, Tunisa - Ciidamada Ilaalada Xeebaha waddanka Tunisia ayaa Sabtidii shalay waxa uu soo saaray meydadka sagaal tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkaasi, sidda laga soo xigtey saxaafadda.

Ahayeenka ciidamada, Houssam Eddine al-Jabali, ayaa sheegay in muhaajiriintaasi ay ka yimaadeen wadamada saxaraha ka hooseeya, waxayna doonayeen inay u tahriibaan Talyaaniga.

Al-Jabali oo war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saarey xafiiskiisa ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in afar carruur ah iyo ilmo yar ay kamid yihiin dadka geeriyoodey.

Sida laga soo xigtay afhayeenku, 2,982 muhaajiriin aan caadi ahayn oo ay ku jiraan sagaal Tunisian ah, ayay ciidamada Tunisia xireen tan iyo Khamiistii.

Ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sidoo kale soo saaray meydadka todobo tahriibayaal ah oo qaraqmay kadib markii doontii ay la socdeen ay kula dagtay xeebaha koonfur bari ee dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa ku baaqay in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, taasoo dhalisay dhaleeceyn uga timid guddiga Midowga Afrika.

Muddo sanado ah, wadamada loo yaqaano Maghreb sida Tunisia, Algeria, Libya, Mauritania, iyo Morocco waxay goob joog ka ahaayeen isku dayo ay sameeyeen tahriibayaal - oo u badan kuwa ka yimid Saxaraha ka hooseeya - si ay u gaaraan Yurub, iyagoo rajeynaya nolol wanaagsan.

Halka qaar ka mid ah tahriibayaasha ay ku guulaysteen inay gaaraan halkii ay u socdeen, qaar kalena waxay ku dhintaan inta ay safarka ku jiraan. Dalalka Yurub waxaa lagu dhaliilay in aysan qaadan mas'uuliyad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM