Saif al-Islam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Liibiya

Image

Tripoli- Saif al-Islam Gaddafi, wiilkii uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadaafi, oo ay raadinayso Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) isagoo loo  haysto dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimo ee dalka Libya bisha soo socota.

Dhaxal sugahii kali-taliyihii Liibiya ee la diley ayaa warqadihiisa musharaxnimo ka gudbiyay Koonfurta magaalada Sabah, guddiga sare ee doorashooyinka qaranka Liibiya ayaa bayaan ku sheegay.

Isaga oo gar-Cirro leh, xirana muraayado kuwa indhaha loo isticmaalo ayuu ka soo muuqday muuqaalka guddiga doorashada soo gudbiyeen Khamiistii la soo dhaafey.

49-jirkan oo ay u badan tahay in musharraxnimadiisa muran ka dhalan karo, ayaa waxaa qabsaday dagaalyahanno dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo Aabihii lagu tuuray kacdoon dadweyne kaddib markii  uu in ka badan 40-sano xukunka hayay.

Musharaxa hadda u taagan xilka madaxweynaha ayaa la sii daayay bishii June 2017 ka dib in ka badan shan sano oo uu xirnaa.

Liibiya ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto doorashada madaxtinimo 24-ka December ka dib sanado badan oo ay Qaramada Midoobay xaawilayeen in ay ka dhalato dowlad dimuqraadi ah si dagaalada sokeeye  loo soo afjaro.

Codbixintaan oo in muddo ah la sugayay ayaa weli waxaa horyaala caqabado, ay ka mid yihiin arrimo aan weli xal laga gaarin oo ku saabsan sharciyada doorashada iyo dagaallada mararka qaar ka dhex dhaca kooxaha hubeysan.

Caqabadaha kale waxaa ka mid ah khilaaf xooggan oo weli ka dhex taagan bariga iyo galbeedka dalka kuwaas ku kala qaybsamey dagaalada sokeeye, joogitaanka kumanaan dagaalyahanno shisheeye ah iyo ciidamo shisheeye ah.

Shir weyn oo Jimcihii ka dhacay magaalada Paris ayaa la isku raacay in la cunaqabateeyo cid kasta oo carqaladeysa ama hor istaagta codbixinta, balse iyadoo wax ka yar lix toddobaad ay ka harsan tahay, weli ma jiro wax heshiis ah oo ku saabsan xeerar lagu maamulayo cidda awood u leh inay isa soo sharaxdo.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay The New York Times bishan Luulyo, Qadaafi wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu 'soo celiyo midnimadii luntay' ka dib toban sano oo fowdo ah oo ka dhalatay geeridii aabihiis.

Kahor dhimashadii aabbihii 2011, Qadaafi wuxuu ahaa qofka loo malaynayo inuu beddelayo xukunka Liibiya.

Waxa uu wargeyska u sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay markaas oo la qabtay aabbihiis lana dilay, siyaasiyiintu Liibiya u keenin ‘waxaan aan ka aheyn darxumo’ kuwaas oo diidey inay raalli-gelin ka bixiyaan gabood-falladii ay u  geyteen taliska kaligii-taliska ah.

Qadaafi waxa uu difaacay waxqabadkii aabbihii ee hogaaminimo waxana uu ku andacooday in badi dadka Liibiya ay hadda u malaynayaan in dawladdu  mawqif adag ka istaagto fallaagada. Waxa kale oo uu yidhi: 10 sano ayaan ka maqnaa dadka Liibiya.

"Waxaad u baahan tahay inaad si tartiib tartiib ah u soo noqoto. Sida xariijimaha. Waxaad u baahan tahay inaad maskaxdooda wax yar ku ciyaarto.

Qadaafi waxaa lagu maxkamadeeyay isagoo maqan 2015 maxkamad ku taal Tripoli taasoo uu ka soo muuqday muqaalka qaadaha fog waxaana uu ku sugnaa  Zintan.

Waxa lagu xukumay dil, isagoo sameeyey dambiyo dagaal kuwaas oo ay kamid yihiin dilal uu u gaystey dad mudaaharaadayay intii lagu jiray kacdoonkii 2011, waxayna  u badan tahay in uu wajihi doono xarig ama khataro kale haddii uu si fagaare ah uga soo muuqdo caasimadda Tripoli.

Taliyaha militariga ee bariga Khalifa Haftar, ra'iisul wasaare Abdulhamid al-Dbeibah iyo afhayeenka baarlamaanka Aguila Saleh ayaa sidoo kale ah musharaxiinta doorashada soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM