Suudaan: Saraakiil sirdoon oo lagu dilay iska hor-imaad

Image
Gulufkan ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtey "horjoogeyaal kale oo qaar ay ajnabi yihiin".

KHARTUUM, Suudaan - Sirdoonka Suudaan ayaa shaaca ka dhigay in shan sarkaal looga dilay howlgal ay ku qaadeen Daacish intii lagu guda jiray weerar ka dhacay caasimada oo lagu bartilmaameedsaday dabley ku xiran kooxda hubaysan ee ISIL (ISIS).

"Laba sarkaal iyo saddex sarkaal oo aan ku-xigeen ahayn ayaa lagu dilay hawlgalkii Talaadadii ee Khartoum," ayay wakaaladda dowladda ku sheegtay  bayaan ay sii faafisay.

Ciidamada amniga ayaa ku qabtay weerarka "11 argagixiso ajnabi ah oo ka soo kala jeeda jinsiyado kala duwan, halka “afar argagixiso oo ajnabi ah ay u suurta gashay inay baxsadaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Guri laba dabaq ah oo ku yaal xaafadda Jabra ee magaalada Khartoum ayaa waxaa ku hareereysan ciidamada ammaanka, kuwaas oo ka codsaday dadka in ay ka guuraan si looga hortavo waxyaabaha qarxa oo argagixisada kaga tagtay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka deriska la ah ayaa AFP u sheegay inay maqleen rasaas la is weydaarsaday waxayna arkeen dhaawacyada oo baabuur lagu rarayo. Macluumaadyo kale oo muhiim ah ayaan wali laga helin dhacdadaas.

Sanadkii 2019, waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka waxay ka digtay halista ISIL ee Suudaan. Dhanka woqooyi ee Suudaan waxay deris kala tahay Masar, oo sannado badan kula dagaallameysay kooxda Jasiiradda Sinai oo ay ku xoogan yihiin laanta maxalliga ah ee ISIL.

Dhacdada Talaadadii ayaa timid kadib markii dowladda Suudaan ay sheegtay inay ka hortagtay isku-day afgambi oo toddobaadkii hore ay ku lug lahaayeen saraakiil milateri iyo dad rayid ah oo lala xiriiriyay taliskii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM