Saraakiil Kenyan ah oo loo xiray laaluush ay ka qaateen Soomaali

Image
Shaqsiyaadkan ayaa lagu waramay in ay qaab sharci darro ah ku galeen dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Labo sarkaal oo ka tirsan booliska la dagaalanka argagixisada Kenya ayaa la xiray kadib markii ay laaluush ka qaateen Soomaali sharci darro ku gashay dalkaas, sidda ay warisay The Star.

Saddex qof kale oo dumar ah kuwaasoo la aaminsan yahay in ay fududeeyeen qaabka sharci darada ah ee raggan ku galeen Kenya ayaa lagu waramay in ay qeyb ka yihiin kiiskan.

Taliska Booliska Kenya ayaa, sidda ku xusan warbixintan wargeyska, waxay shantan eedeysane kusoo oogeen dacwad ku saabsan in ay sameeyeen dukumiintiyo been-abuur ah iyo wax-is-dabamarin baahsan.

Sidda laga soo xigtey majaladda, muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa Kenya kasoo galay dhinaca Uganda. Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay ku guuldareysteen in ay dib-u-celiyaan labadan ruux.

"Mid ka mid ah kiisaska la baarayo waxaa kamid ah in kaaliyihii hore ee ismaamulka Tana River, isla markaana degan xaafadda Islii uu dadka ajnabiga ah ka caawinayo qaadashada kaararka aqoonsiga," ayay xogta raacisay.

Sarkaal sarre oo kamid ah baareyaasha kiiskan ayaa tibaaxay in ay jiraan kiisas kale oo noocaan ah waxaana uu wacad ku maray in "damiir-laasyaasha ay wajihi doonan cadaaladda.

"Waxaan haynaa kiisas ay saraakiishu ku lug lahaayeen dhowr fal dambiyeed iyo fududeyn balse ma jirto wax tallaabo ah oo macno leh oo laga qaaday iyaga," ayuu raaciyey mid kamid ah baareyaasha.

Kenya ayaa kamid ah dalalka Geeska Afrika ee saraakiisha ammaanka ay ku lug-leeyihiin musuqmaasuqa iyo xatooyadda hase ahaatee xasaanadda ay u sahasho in ay ka dhuuntaan sharciga iyo cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM