Saxafi sare oo loo xukumay in uu "raali ka yahay kufsiga"

Image
Soo-jeediyaha barnaamij telefishin ayaa la isugu daray xukun cabsi iyo ganaax lacageed.

YAMOUSSOUKRO, Ivory Cost - Yves de M'Bella oo ah wariye ka tirsan telefishin ku yaala waddanka Ivory Cost ayaa 12-bilood oo xabsi loogu xukumay in uu "dhiirageliyey kufsiga".

M'Bella oo si gaar ah u soo jeediye barnaamij waxaa sidoo kale lagu ganaaxay $3,600. Saxafiga wuxuu wareystay shaqsi horey loogu helay dambi kufsi ah.

Wareysiga wuxuu daaranaa qaabka uu ruuxaas u faroxumeeyay haween badan. Tani waxay sababtay in 50-kun qof ay u codeeyaan in la maxkamadeeyo.

Kader Traoré oo ah ruuxa la wareystay ayaa qudhiisa mar kale waxaa garka loo geliyey 24-bilood oo uu ku qaadan doono jeelka iyo ganaax lacageed oo dhan $902.

Xeer-beegtada ayaa sheegtay labada xukumane ay joojiyeen "sida ay raali uga yihiin kufsiga" oo loo tixgeliyo mid kamid ah xadgudubyada ugu waaweyn ee loo geysto dumarka.

Qareenada difaacayey xukumaneyaasha ayaa u sheegay maxkamadda in kalyeentiyadooda aysan dafirin dambiga sidaas darteedna ay rajeynayaan in ay rafcaan ka qaataan xukunka.

Dadweynihii aadka uga hor-yimid xukunkan waxay hoosta ka xariiqeen in ay rajeynayaan in aysan jiri doonin cid kale oo ku dhiirata in ay ka sheekeyso tacadi dumar u geysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM