Senegal oo dhexda u gashay qalalaase salka ku haya doorasho

Image

WASHINGTON, USA - Dibad-baxayaasha iyo Ciidamadda booliiska ayaa isku-dhacay caasimadda Senegal ee Dakar, sidda ay muujinayaan muuqaallo ku baahay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay.

Ugu yaraan hal sarkaal oo sare oo mucaarad ah ayaa la xiray Axaddii, maalin kaddib markii madaxweyne Macky Sall uu ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxtinimo aan la cayimin.

Doorashada Madaxtinimada ayaa loo asteeyay 25-ka bishan February, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Sall oo ku saabsan wakhtiga cusub ee la qaban doono.

Tani ayaa waxa ay dhalisay dhaleecayn badan oo ka imanaysa madaxda mucaaradka iyo walaaca beesha caalamka ee ku aadan inuu xukunka sii joogi karo waqti kale dheeraad ah.

Qoraal uu soo saaray Sabtidii, ayuu Sall ku sheegay inuu u faragelinayo khilaafka u dhexeeya Golaha Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee diidmada musharraxiinta.

Xildhibaanada ayaa baaraya laba Garsoore oo ka tirsan Golaha Dastuurka oo su’aalo la iska weydiiyay hufnaantooda ku aadan hanaanka doorashada. Senegal waxay haatan wajahaysaa hubanti la'aan ba'an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM