Senegal oo dhexda u gashay qalalaase salka ku haya doorasho

Image

WASHINGTON, USA - Dibad-baxayaasha iyo Ciidamadda booliiska ayaa isku-dhacay caasimadda Senegal ee Dakar, sidda ay muujinayaan muuqaallo ku baahay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay.

Ugu yaraan hal sarkaal oo sare oo mucaarad ah ayaa la xiray Axaddii, maalin kaddib markii madaxweyne Macky Sall uu ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxtinimo aan la cayimin.

Doorashada Madaxtinimada ayaa loo asteeyay 25-ka bishan February, ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Sall oo ku saabsan wakhtiga cusub ee la qaban doono.

Tani ayaa waxa ay dhalisay dhaleecayn badan oo ka imanaysa madaxda mucaaradka iyo walaaca beesha caalamka ee ku aadan inuu xukunka sii joogi karo waqti kale dheeraad ah.

Qoraal uu soo saaray Sabtidii, ayuu Sall ku sheegay inuu u faragelinayo khilaafka u dhexeeya Golaha Qaranka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee diidmada musharraxiinta.

Xildhibaanada ayaa baaraya laba Garsoore oo ka tirsan Golaha Dastuurka oo su’aalo la iska weydiiyay hufnaantooda ku aadan hanaanka doorashada. Senegal waxay haatan wajahaysaa hubanti la'aan ba'an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM