Shaqaalaha dowladda oo la faray in ay xirtaan dharka Kenya lagu sameeyo

Image

NAIROBI, Kenya – Shaqaalaha dowladda Kenya ayaa Arbacadda maanta ah waxaa lagu amray in ay ku labistaan dharka lagu sameeyo gudaha dalkaas.

Amarkan oo kasoo baxay xeer-ilaaliyaha guud ayaa sida lagu sheegay bayaan, waxaa uu quseeyaa maalinta Jimcaha iyo xiliyadda ay jiraan munaasabadaha.

Talaabadan ayaa waxaa ka sheegayaa in ay qeyb ka tahay dhaqan-gelinta barnaamjiyadda horumarinta ee xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Hadafka ugu weyn ee go’aankan ayaa waxaa lagu macneeyay dhiirogelinta wax soo saarka gudaha iyo shirkadaha maxaliga ah.

Kenyatta iyo qaar mas'uuliyiinta ugu sareysa qarankaas oo kasoo muuqday munaasabad ayaa waxay wateen dharka maxaliga ah ee loogu yaqaano "African dress"

Kenya ayaa waxay safka hore kaga jirtaa wadadama qaaradda gaar ahaan Geeska Afrika ee soo saara dharka ugu wanaagsan tayo ahaan iyo naqshad ahaan.

Soomaaliya, waddan deriska la leh Kenya kana soo kabanaya colaado sokeeye, ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee loo iib-geeyo dharka lagu sameeyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM