Mali: Shaqaale u dhashay China iyo Mauritania oo la qafaashay

Image

BOMAKO, Mali - Dabley hubeysan ayaa seddex muwaadin oo u dhashay Shiinaha iyo labo Mauritania ah ka afduubtay goob uu dhisme ka socdey koonfur galbeed Mali, sida ay sheegeen ciidamada qalabka sida ee waddankaas.

"Kooxda hubeysan ayaa Sabtidii weerartey goobta oo 55 kilomitir (34 mayl) u jirta magaalada Kwala, waxayna ku baxeen shan baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah iyo la haystayaasha," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee ciidamada qalabka sida ee Mali (FAMA).

Sida ay ciidamadu sheegeen, dableyda ayaa sidoo kale burburisey qalab ay ku jiraan wiish iyo gawaari iska roge ah oo ay lahaayeen shirkadda dhismaha Shiinaha ee COVEC, iyo shirkadda waddo dhisidda Mauritania ee ATTM.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mali oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka la waayey ay ka shaqeynayeen dhismaha jidadka gobolkaasi. "Sii deynta la haystayaasha oo dhan ayaa ah ahmiyadeena," ayuu yiri.

Wakaaladda wararka ee Mauritania ee Al-Akhbar ayaa ku warantay in dableydu ay ku yimaadeen mootooyin ayna gubeen qalab iyo sidoo kale taangiyo shidaal ka hor intii aysan la bixin maxaabiista.

Qafaalashadda ayaa waxay kusoo noqnoqdeen gudaha Mali iyadda oo bartilmaameedka uu yahay muwaadiniinta Mali iyo ajaanibba. Dalkan dhaca galbeedka Mali waxaa horey u soo maray afduub ku dhamaadey khaarijin.

8-dii Abriil, weriye Faransiis ah ayaa laga afduubay waqooyiga Mali. Olivier Dubois wuxuu tibaaxay in Kooxda Taageerta Islaamka iyo Muslimiinta (GSIM), oo ah isbahaysiga ugu weyn ee kooxaha hubaysan ee Sahel, ay qafasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM