Shaqsi "dil ugu hanjabay" Xildhibaan oo xabsi loo taxaabay

Image
Xariga ayaa yimid ka dib markii xildhibaanka xisbiga Conservative-ka David Amess lagu dilay mindi bishii hor.

LONDON, UK – Booliiska Ireland ayaa Sabtidii sheegay inay xireen nin looga shakiyay inuu hanjabaad sameeyay, iyadoo warbaahinta qaranka ay warisay in lagu tuhunsan yahay inuu u hanjabay inuu dili doono xildhibaan British ah.

Xariga ayaa yimid ka dib markii xildhibaanka xisbiga Conservative-ka David Amess lagu dilay mindi bishii hore, taasoo keentay walaac laga qabo heerka khatarta ay wajahayaan siyaasiyiinta iyo baaqyo ku aaddan ammaanka.

Garda, oo ah bilayska Ireland, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay qabteen nin 41 jir ah oo ku sugan Cork ee koonfur-galbeed Ireland subaxnimadii Sabtida "kadib markii looga shakisan yahay inuu u hanjabay qof ka baxsan xukunkan".

Booliska Ireland ayaa sheegay in askartu ay qabteen tiro qalab elegtaroonig ah xilli ay baarayeen hantida uu leeyahay shaqsigan. Telefishinka qaranka ee RTE ayaa baahiyey "in la fahamsan yahay in qofka lala beegsaday hanjabaadda uu yahay xildhibaan ka tirsan xisbiga taladda haya".

Jariidada Irish Times ayaa daabacdey in ninkan oo u dhashay dalka Britain laga soo qabtay guri kiro ah subaxnimadii hore ee Sabtida, waxaana loo qaaday jeelka si su’aalo loo weydiiyo.

Shaqsiga dilay David Amess ayaa asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya. Wuxuu falkaas ka geystay Amess oo ah koonfurta bari ee dalka Ingriiska, waxaana maxkamad la soo taagi doonaa sanadka soo socda.

Adeegga dacwad oogista ee Crown ayaa daaha ka rogay in dilku uu la leeyahay "xidhiidh argagixisanimo" oo salka ku haya "feker diimeed iyo caqiido mala-awaal ah".

Bilayska Ingiriiska ayaa 27-kii Oktoobar gacanta kusoo dhigay ruuxan ay gacanta kusoo dhigeen booliska waddanka Ireland kadib markii siyaasi sare oo ka tirsan shaqaalaha Angela Rayner ay heshay taleefoono hanjabaad iyo aflagaado ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM