Shiinaha oo dhaxdhaxaadin doona Faransiiska iyo Golaha Militari ee Niger

Image

NIAMEY, Niger - Safiirka Shiinaha u fadhiya Niger, Jiang Feng, ayaa ku dhawaaqay in Beijing ay doonayso inay dhexdhexaadiso xiisadda siyaasadeed, iyadoo ciidamada Niger ay hareereeyeen agagaarka saldhigga milatari ee Faransiiska.

Wargeyska “Le Monde” ayaa sheegay wadahadallo u dhexeeya Paris iyo Niamey oo ku saabsan bixitaanka qayb ka mid ah askartii Faransiiska ee ku sugan dalkaas.

Safiirka Shiinaha ee Niamey, Jiang Feng, ayaa sheegay - mar uu wareysi siinayay telefishinka qaranka Niger - in dalkiisu uu dhexdhexaadin doono dhinacyada iska soo horjeeda ee Niger si loo xalliyo qalalaasaha siyaasadeed.

Dhankeeda, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay Talaadadii in ay taageerayso dhammaan dadaallada si nabad loogu xallinayo khilaafaadka Niger, waxayna ku baaqday in la xaqiijiyo ammaanka shakhsi ahaaneed ee madaxweyne Maxamed Bazoum.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa intaa ku dartay in ay rajaynayso in dhinacaya khilaafku ka dhaxeeyo ay awood u yeeshaan in ay helaan xal siyaasadeed oo ku salaysan danaha aasaasiga ah ee dalka iyo dadka.

Wargeyska “Le Monde” ayaa sheegay in maamulka Faransiisku ay billaabeen wada-hadallo ay la yeelanayaan hoggaamiyeyaasha militeriga dalka Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM