Shiinaha oo ergey cusub u magacaabay Geeska Afrika
BEIJING, China – Shiinaha ayaa Xue Bing, oo hore u ahaa danjirihii hore ee Papua New Guinea, u magacawday ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Afrika, sida uu Talaadadii ku dhawaaqay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang Wenbin.
Xue waa dublamaasi ruug-caddaa ah oo khibrad shaqo u leh Afrika, Ameerika, iyo Oceania, ayuu Wang ku yir shir-jaraa'id ee maalinle ah.
Wuxuu intaas ku daray in ergeyga gaarka ah uu sida ugu dhaqsaha badan xiriir shaqo ula sameyn doono asxaabta ka socota dhinacyada ay khuseyso, isla markaana uu ilaalin doono xiriir dhow iyo isku dubarid ku aaddan horumarinta aragtida nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Afrika bilowgii sanadka, Xubin ka tirsan Golaha Sare ee Shiinaha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ayaa soo jeediyay Aragtida, taasoo ujeeddadeedu tahay in lagu taageero waddamada gobolka si ay u gaaraan nabad iyo ammaan waarta oo ay u qaataan horumar iyo barwaaqo.
Sida saaxiibka wadaaga ah ee dalalka Geeska Afrika, Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu door wax ku ool ah ka ciyaaro geeddi-socodka, ayuu yiri afhayeenku.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Xue horyaala ayaa noqon doona dagaalka sii socda ee Itoobiya, oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika iyo gobolka miisaanka culus ee martigeliya xarunta Midowga Afrika ee dhismo uu dhisay Shiinaha. Beijing ayaa sidoo kale balaayiin doollar oo amaah ah siisay Itoobiya.
Danaha Shiinuhu ka leeyahay Geeska waxa ka mid ah saldhiga uu ku leeyahay dalka yar ee Djibouti, isaga oo isha ku haya marinka muhiimka ah ee maraakiibta caalamiga ah ee saliida bariga dhexe iyo badeecooyinka ka yimaada Aasiya u socdaalaan Yurub. Itoobiya oo aan bad lahayn waxay ku tiirsan tahay dekedda Jabuuti.
Gobolka waxa kale oo khatar ku ah xasilooni darada ka jirta Koonfurta Suudaan, halkaas oo Shiinuhu uu ku leeyahay maalgashi shidaal oo badan, iyo Maleeshiyada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya oo qaaday weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka deriska ah ee Kenya, halkaas oo Shiinuhu uu ka dhisayo mashaariic la taaban karo oo kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu xeebta dheer Afrika waxaa mara Gacanka Cadmeed ilaa Badweynta Hindiya, ayaa waxaa tan iyo 1991-kii ka socday dagaallo sokeeye. Waxay isku haystaan dalka ay dariska yihiin ee Kenya inkastoo ICJ ay go’aan ka gaartay muranka, kaasoo ku saabsan dhul-badeed la rumeysan yahay inuu ku jiro kayd shidaal.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa bishii January ee sanadkan ku dhawaaqay safar uu ku tagay bariga Afrika in ergayga Geeska Afrika loo magacaabi doono.
GAROWE ONLINE