Sidee Musharaf uga soo baxsadey reerkiisa, kuna galay Xabsiga?

Image

KENYA - Qoyska Musharaf Abdalla, oo ka mid ah maxaabiistii argagixsada ahaa ee dib loo soo qabtay ka dib markii ay ka soo baxsadeen xabsiga Kamiti Maximum, ayaa sheegay in ay jiraan wax badan oo aysan weli fahmin waxa ku dhacay wiilkooda ay garanayeen dabeecadihiisa.

Sida ay sheegtay hooyadii, Musharaf waxa uu ka tagay guriga isaga oo 14 sano jir ah si uu u sii wato hamigiisa barashada diinta Islaamka ee madarasadda.

Qoyskiisu waxa ay ku adkaysanayaan in wax kasta oo Musharaf lagu xukumo, uu yahay wiilkooda, oo aaney jirin wax ay uga shaki qabaan.

Tuulada Bumanyi oo ku taalla Bariga Mumias, ee ismaamulka Kakamega, waa halka uu ku dhashay Musharaf.

Zuwena Hamisi, Musharaf hooyadii, ayaa tiri: “Wiilkayga waa qof degan, oo jecel diinta islaamka, islamarkaana aan ka suurtoobin waxyaabaha qaldan ee lagu soo eedeeyay."

Mama Zuwena Hamisi ayaa sheegtay in Musharaf lagu qasbay in uu soo gaabiyo waxbarashadiisa fasalka 5-aad, isaga oo markaas wax ka baranayay dugsi ku yaalla Busia.

Aabihii wuu dhintay, noloshuna way ku adkaatay, kharashka dugsiga ee looga baahan yahay waxbarashadiisa waxay ahayd mid aan la awoodi karin.

Mama Zuwena ayaa sheegtay inay heshay Musharaf bishii 3-aad tan iyo markii ay bilowday raadintiisa.

Musharaaf ayaa la xiray Sep 30, 2012, ka dib markii uu ka qeyb qaatay isku day la fashiliyay oo la doonayay in lagu weeraro Baarlamaanka Kenya.

Waxaa lagu soo oogay danbiyo isugu jira qaraxyo iyo kamid ahaanshaha Al-Shabaab. Eedeysanaha ayaa lagu xukumay 22 sano oo xarig ah.

Isaga iyo labo kale waxay ka baxsadeen Xabsiga Todobaadkii tagey, waxaana dib loo xiray shalay kadib markii la arkay iyagoo lugeynaya tuulo ku dhaw keymaha Boni, waxayna kusii jeedeen dhanka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM