Soomaaliya oo Ka Qayb Qaadanaysa Dhoolatuska Ciidan ee Ugu Ballaarnaa

Image

Kenya (GO) - Mareykanka ayaa maalintii Isniinta ka bilaabay Kenya dhoolatus militari oo uu hoggaaminayo oo loogu magac daray “Justified Accord,” kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 20 dal. Dhoolatuskan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kan ugu weyn noociisa ee ka dhaca Bariga Afrika.

Dhoolatuskan oo socon doona 11 maalmood ilaa Khamiista soo socota, ayaa ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo diyaargarowga dalalka ka qeyb galaya ee ku aaddan howlgallada nabad ilaalinta, jawaabta degdegga ah iyo gargaarka bani’aadannimada, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ee SNTV iyo warbaahinta Kenya.

Tobanaan ka tirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku tababaray ayaa ka qeyb qaadanaya dhoolatuska, kaas oo, sida uu sheegay website-ka wararka ee Kenyans.co.ke, isugu keenaya 1,000 askari iyo cutubyo ka kala socda 23 dal.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in “Justified Accord” yahay “dhoolatuskooda ugu weyn ee Bariga Afrika.”  "Dhoolustuskaan ayaa muujineysaa rabitaanka Mareykanka iyo dalalka la-hawlgalaya inay kordhiyaan diyaargarowga iyo isdhexgalka si loo xoojiyo amniga gobolka iyo ka jawaabista halisaha amni,” ayuu yiri militarigu.

Mareykanku wuxuu hoggaamiyay dhoolatusyo la mid ah kuwan Bariga Afrika sanadihii u dambeeyay maadaama gobolku la tacaalayo kacdoonka halista ah ee al-Shabaab iyo caqabadaha kale ee amniga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM