Badqabka duulimaadyada Afrika oo laga qaylo-dhaamiyey
NAIROBI, Kenya – Afrikada ka hoosaysa saxaraha ayaa diiwaan galisay hoos u dhac ku yimid bad-qabka hawada sanadkii hore, in kasta oo guud ahaan horumar laga sameeyay gobolada kale, sida laga soo xigtey Warbixinta Waxqabadka Badbaadada Hawada ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka cirka ee sanadkii 2021.
Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in qof kasta uu u baahdey maalin kasta duulimaad u dhigma in ka badan 10,000 sano "ka hor inta aanay suurtagal noqon inaad ku dhimato shil diyaaradeed".
"Fursadaha aad ku dhimi karto shil diyaaradeed ayaa sidoo kale aad u sarreeyay haddii aad ku duulayso diyaarad yar oo hawo-mareen ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta.
Sannadkan waxaa dhacay wadar ahaan 26 shil – taasoo marka lala barbardhigo 2020 ka yar sagaal (9) - iyada oo Afrikada Saxaraha ka hooseeya ay ka dhaceen afar shil.
Gobolka ayaa sidoo kale wuxuu dhaliyay saddex ka mid ah todobada shil ee 18 qof ay ku dhinteen tirada guud ee geerida shilalka diyaaradaha guud ahaan caalamka oo ah 121.
Dhimashada ayaa ka hooseysay 132-kii lasoo sheegay intii lagu jiray 2020 waxayna aad uga hooseeyeen celceliska shanta sano ee lasoo dhaafay oo ah 207.
Heerka shilalka oo dhan - qiyaasta dhacdooyinka hal milyan oo duulimaad guud ahaan aduunka - si kastaba ha ahaatee, ayaa hoos u dhacay 1.58% sanadka 2020 ilaa 1.01 oo ah sanadkii lasoo dhaafay 2021.
Shilka kaliya aan lagu dhiman
Tirooyinka ayaa ka dhigan in celcelis ahaan, qofku u baahan doono inuu qaato duulimaad maalin kasta iyo in uu shil ku dhiman doono tobbanka sano ee soo aadan. Laakiin khatarta dhimashadu waxay kor uga kacday 0.13 sanad ka hor ilaa 0.23 sababtoo ah kor u kaca shilalka diyaaradaha ee dhimashadda badan sababay.
Shilka diyaaradeed ee kaliya dhimashadda aan sababin ee sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay guud ahaan caalamka wuxuu ka dhacay Soomaaliya waxaana ku lug-yeelatay diyaaradda Skyward Express Dash-8.
"Iyadda oo ay jireen caqabado badan oo dhanka howlgalka sanadkii hore 2021, warshaduhu waxay sameeyeen horumar dhanka kordhinta nidaamka badbaadinta diyaaradaha ah," ayuu yiri Willie Walsh, agaasimaha guud ee IATA.
Afrika iyo Dawladaha Dhexe ee Madaxbanaan (12 Jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ee Bariga Yurub iyo Bartamaha Aasiya) ayaa laga soo wariyey dhacdooyinka ugu badan ee shilalka diyaaradaha shantii sano ee lasoo dhaafay.
"Si loo yareeyo kororka shilalka guud ahaan caalamka, waxaa muhiim ah in aad loo qiimeeyo siyaabaha uu u shaqeeyaan matooradda diyaaradaha," ayuu raaciyey Walsh.
Midowga Duulimaadyada Caalamiga ah ayaa wuxuu ku taliyey in mudnaan gaar ah la siiyo hirgelinta nidaam lagu hubinayo tayada diyaaradaha si loo hagaajiyo bad-qabka duulimaadyadda qaaradda Afrika. Kaliya 28 dal oo Afrikaan ah ayaa gaaray in ka badan 60 boqolkiiba nidaamka badbaadda sanadkii hore 2021.
GAROWE ONLINE