Soumeylou Maïga: Ra'iisul wasaarihii hore ee Mali oo geeriyooday
BOMAKO, Mali - Ra'iisul wasaarihii hore ee Mali, Soumeylou Boubèye Maïga, ayaa Isniintii shalay wuxuu ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Bamako, sida uu shaaciyay qaraabada qoyskiisa oo ay soo xigatay warbaahinta.
Maiga, oo soo noqday ra'iisul wasaaraha Mali 2017 ilaa 2019, wuxuu ahaa 67 jir. Waxa uu ahaa shakhsi saameyn ku leh siyaasadda ammaanka ee Mali iyo gobolka Saaxil ee ku xeeran, waxaana la xidhay tan iyo Ogosto 2021 markii dalka ay la wareegeen militariga.
Codsigiisii ahaa in caafimaad loogu qaado dibadda ayaa waxaa diiday madaxda militariga ee dalka Galbeedka Afrika. Xaalada caafimaad ee Maiga ayaa aad uga sii dartay maalmo ka hor.
Waxaa laga fiirsanayay in la ogolaado in laga safriyo Mali si loo daweeyo balse ma dhicin waqtigii loogu talagalay, sida uu sheegay qof ay qaraabo yihiin oo la hadlay wakaalada wararka ee AP.
"Maiga wuxuu ku dhintay gudaha xarun caafimaad," ayuu ku daray shaqsigan oo magaciisa uga gaabsadey sababo ku aadan in aan loo ogolayn in uu la hadlo saxaafadda madax-banaan.
Maiga oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa wuxuu ahaa wariye tababaran. 1990-meeyadii waxaa agaasimaha hay'adda sirdoonka u magacaabay madaxweyne Alpha Oumar Konaré.
Dadka dhaleeceeya ayaa ku eedeeyay inuu ka dambeeyay abuuritaanka maleeshiyada qowmiyadda Gandakoy ee lala xiriiriyey tacaddiyo ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ka soo jeeda qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Tuareg ee waqooyiga Mali.
Dhowr jagooyin ayuu ka qabtey Golaha Wasiirada sida Wasiirka Arrimaha Dibadda 2011-kii xilligii Madaxweyne Amadou Toumani Touré iyo ka dib Wasiirkii Difaaca ee Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita ka hor inta uusan noqon Ra'iisul Wasaaraha 2017 ilaa 2019.
Maiga ayaa xilkaas iska casilay kadib markii la dilay in ka badan 160 rayid ah oo reer Fulani ah iyo mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday gobolka oo ay u sameeyeen amni-darro joogto ah.
Keita waxaa afgambiyay millatari bishii Ogosto 2020. Maiga ayaa markii dambe lagu xiray Bamako 2021-kii iyadoo lagu eedeeyay wax isdaba marin la xiriirta waqtigii uu ahaa wasiirka gaashaandhigga intii u dhaxeysay 2013 iyo 2014-kii.
GAROWE ONLINE