Abaalmarin la dul-dhigay shaqsi lagu eedeeyay dilka bisadaha

Image

CAPE TOWN, South Africa - Booliska Koonfur Afrika ayaa ku u gaarsanaya "gacan ku dhiigle tirro bisado ah ku dilay xaafad ka tirsan magaalada Cape Town, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Meydadka 42 bisadood oo doorsoomay ayaa, sida ku xusan warbixinta saxaafadda waddankaas, waxaa bartamihii bishii July laga helay Manenberg, oo ku taal duleedka magaalada.

Alan Perrins oo ka tirsan Ururka Daryeelka Xayawaanka ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in dhammaan bisadaha la jirdilay lagana saarey xubno ka tirsan jirkooda. Maydadka laba ka mid ah bisadaha ayaa muujiyey in lagala baxay wadnaha iyo sambabada.

Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay, booliska Koonfur Afrika ayaa si kooban u xirey nin 40 jir ah, laakiin qofka waa la sii daayay sababo la xiriira caddeyn la ́aan oo xiriirisa dilalka.

Faiza Jacobs oo deggan Manenberg waxaa ka maqan saddex bisadood. Marka hore "Baradho" ayaa la waayay bishii Maarso, ka dibna "Smokey" ayaa la waayay 10-kii Luulyo.

Waqtigaas dad badan ayaa bilaabay inay soo wariyaan in bisaddoodii la la'yahay. Waxaa bilaabatay faafitanka sawiradooda. Kadibna Ms Jacobs oo 10-bilood jir ahayd ayaa la helay.

"Haddii ay tahay in aan ka fekero waxa bisaddaydu soo martay ... Waxaa laga jaray ilaa qoorta. Hungurigii iyo wadnaheedii oo dhan ayaa laga saaray," ayay u sheegtay BBC-da.

Ururka Daryeelka Xoolaha ee Koonfur Afrika ayaa balanqaadey abaalmarin dhan 20,000 rand ($ 1,300; £ 1,000) oo la siinayo ciddii keenta xog horseedi karta in la soo qabto gacan ku dhiiglaha.

Ugu dambeynti, Mr Perrins ayaa shaaca ka dhigtey in ay tuhunsaneyn kooxaha la dagaallama eyda iyo kooxaha gaangiska ah balse ay shakiga ka qabaan in ay ka dambeeyaan dadka ku takhasusay sixirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM