South Afrika: Jacob Zuma oo lagu xukumay 15 bilood xabsi ah

Image

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ay ku xukuntay 15 bilood. Waxaa la siiyay shan maalmood inuu isku dhiibo booliska. Haddii taa la waayo, madaxa booliisku waa inuu amraa xarigiisa.

Xukunka xabsiga ayaa yimid kadib markii maxkamada dastuuriga ah ay ku heshay dambi ah xaqiraad uu ka horyimid amarkeeda si ay uga soo muuqato baaritaanka musuqmaasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.

Maalmihii Mr Zuma uu xukunka hayey oo ku ekaa 2018 waxaa hareeyay eedeymo musuqmaasuq. Ganacsato ayaa waxaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta "si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go'aan qaadashada".

Madaxweynihii hore ayaa hal mar ka soo muuqday baaritaanka waxa loogu yeero "qabashada gobolka" laakiin ka dib wuxuu diiday inuu mar dambe soo muuqdo taasoo dhalisay dood horleh oo la xiriirta sharciyadda.

Baadhitaanka - oo uu madax ka ahaa garyaqaan Raymond Zondo - ayaa ka codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah inay soo faragaliso qaddiyadan ayna kasoo saarto xukun ama go'aan kama dambeys ah.

Zuma ma uusan joogin maxkamadda markii lagu dhawaaqayey xukunka, hase ahaatee, wuxuu dhowr jeer ku dhawaaqay inuu dhibbane u yahay shirqool siyaasadeed weyn. Mase soo bandhigin caddeymo

Xukunkan waa mid taarikhi ah. Arrin kale oo sharciyada la xiriirta, Mr Zuma wuxuu ku adkeystay in uusan gelin wax dambi ah bishii hore markii eedeymaha musuqmaasuq si gaar ah kuwa khuseeya $5bn (£3bn) oo la sheegay in hub looga soo iibsaday sanadii 1990-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ghana oo lagu daray Liiska Cas ee Interpol

Ofori-Atta, oo la rumeysan yahay inuu dalka dibaddiisa u joogay daawayn caafimaad, ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

  • Afrika

    07-06-2025

  • 09:23AM

Taliyaha AFRICOM: Wuu Dhammaaday Xilligii Afrika Ku Tashanaysay Taageerada Milatari ee Maraykanka

Isbeddelkan siyaasadeed ayaa noqonaya caqabad cusub oo hor taagan dalal badan oo Afrikaan ah.

  • Afrika

    31-05-2025

  • 11:37AM