Sudan oo shuruud ku xirtey hagaajinta xiriirka Israa'iil

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Mariam Sadiiq al-Mahdi

KHARTUUM, Suudaan - Suudaan ma aysan qaadin tillaabooyin wax ku ool ah si ay caadi ugu noqoto xiriirka ay la leedahay Israa’iil tan iyo bishii Abriil markii golaheeda wasiiradu ay baabi’iyeen cambaareynta muddo tobanaan sano jirtay ee dalkaas, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan oo wareysi uu siiyay bogga The National.

Mariam Sadiiq al-Mahdi oo wax laga waydiiyey in ay taageerayaan mowqifka ay qaadatay dowladda Imaaraadku in ay tiri: "Ma jirto wax calaamad ah oo caadi ka dhigaya Israa’iil".

"In la baabi’iyo sharciga qaadacaada Israa’iil micnaheedu ma aha inaan [ka fiirsan doono] in aan safaarad Israa’iil dib uga fureyno Khartoum,” ayay hadalkeeda intaas sii raacisay.

Marwo Mariam oo sii hadleysa ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in baarlamaan cusub, oo aan weli la dhisin, uu wax ka qaban doono arrinta ama uu go'aan kama dambeys ah uu ka gaari doono.

Diblumaasiga ugu sareeya Suudaan intaas ku daray in wanaajinta xiriirka ay dowladooda la leedahay Israa’iil ay lama huraan u tahay wanaajinta xiriirka kala dhexeeya Mareykanka.

Haweenaydan ayaa ku nuux-nuux-satay in shaacinta mowqfkooda ay ku xiran tahay taageeridda Suudaan ee ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka kadib ku dhawaad ​​labaatan sano oo isku dayo fashilmay.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Suudaan ay kula biirtay Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco heshiis ah inay caadi ka dhigaan xiriirka ay la leeyihiin maamulka Yahuuda.

Dhanka kale, Arrinta muranka dhalisay ee ah in madaxweynihii hore Cumar Al -Bashiir loo dhiibi doono Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada si uu u wajaho dambiyo dagaal, ayay sheegtay in golaha ku-meelgaarka ah ee milateriga iyo milatariga Suudaan ee wada jirka ah - oo xukuma dalka - ay ku kala qaybsameen arrintaas.

Toddobaadkii hore, ra'iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk - oo hogaamiya xukuumad rayid ah - ayaa sheegay in la isku dayay in haraadiga taliskii hore ay inqlaabaan dowladdiisa. Warbaahinta dowlada Sudan waxay soo warisay in isku-daygaas laga hortagay isla markaana "xabsi loo taxaabay dhamaan saraakiisha ka dambeysay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM