Sudan oo u kala dabqaadeysa Dowlada Itoobiya iyo TPLF

Image

KHARTUUM, Sudan - Suudaan ayaa isku diyaarineysa inay dhexdhexaadiso dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), iyadoo taageero ka heleysa jilaayaasha waaweyn ee beesha caalamka.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa ogaaday in ra’iisul wasaare Cabdallah Xamduuk uu xiriir lla sameeyay dowladda Itoobiya iyo madaxda TPLF si labada dhinac isugu yimaadaan miiska wadahadalka "si looga wada xaajoodo xal nabadeed loona oggolaado gargaarka bani’aadamnimada dadka rayidka ah".

Hamdok, ayaa sidoo kale, ku wargeliyay hindisihiisa madaxda urur -goboleedka bariga Afrika ee IGAD, Eritrea iyo tiro ka mid ah waddamada reer galbeedka ee saaxiibada ah, oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Mareykanka.

Suudaan ayaa aad uga welwelsan colaadda sii kordheysa ee sagaalka bilood ee lasoo dhaafay ka jirta Itoobiya iyadoo aagagga dagaalka ee gobollada Tigray iyo Amxaaradu ay xuduud la leeyihiin waddanka oo ay qaxootigu ku sii qulqulayaan Suudaan.

Saraakiisha Khartuum waxay tibaaxayaan in laga yaabo in colaada kusii faafto qaar kamid ah gobolada ay sohdinta wadaagaan si gaar ah gobolka galbeedka dhaca ee Benishangul-Gumuz halkaasoo bishii Diseembar 2020 ay isku-dhacyo laga soo wariyey.

31kii Luulyo, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa khadka telefoonka kula hadlay Hamdok iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed halkaas oo uu walaac uga muujiyay sii socoshada colaadaha wuxuuna ku baaqay in loo oggolaado kaalmo bani'aadamnimo oo aan xad lahayn dadka baahan.

Isla shalay, ra'iisul Wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk, iyo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, Antony Blinken, oo khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa isla-meel-dhigay sida loogu baahan yahay in wadaxaajood lagu soo dhameeyo colaada gobolka Tigray. Joogitaanka askarta Eritrea ayay sidoo kale kawada hadleen.

Colaadda gobolka Tigray ayaa bilaabatay November sanadkii hore. Maamulka Abiy iyo jabhadda TPLF waxay isku qabteen qabashada doorashadda. Murankaa siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku rogay wuxuu galaaftay boqolaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM