Suudaan: 30,000 baabuur oo la dhacay inta uu dagaalka socday

Image

 

KHARTOUM, Sudan - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suudaan ayaa ku qiyaastay tirada baabuurta laga dhacay gudaha Khartoum ilaa 16,000; Iyadoo dadka ka ganacsada baabuurta ay tilmaameen in in ka badan 15,000 oo baabuur ay gebi ahaanba burbureen.

Tan iyo markii uu dagaalku qarxay bartamihii bishii April, kooxo hubaysan ayaa weeraray tiro bakhaarro ah oo baabuurta lagu iibiyo oo ku yaala caasimadda, iyagoo gebi ahaanba faarujiyay bakhaarradii.

Inkasta oo aan xog sugan laga hayn tirada baabuurta cusub ee laga dhacay wakiilada shirkadaha caalamiga ah, Toyota ayaa shaacisay in Bakhaarro ay ku leedahay Aagga “Baxri” laga xaday 1,192 Baabuur iyo Mootooyin tiro badan.

Iyadoo ay sii xoogeysteen dagaalada ka socda xaafadaha ay degan yihiin dadka raiydka ah, ayaa kumanaan shacab ah waxa ay ku qasbanaadeen inay ka cararaan deegaankoodii, isla-markaana ay gawaaridooda kaga tagaan guriyaha.

Kahor inta uusan dagaalku qarxin, ganacsatada waxay iibsadeen in ka badan 10,000 oo baabuur ah oo la isticmaalay, qaar badan oo ka mid ahina lama oga ilaa hadda halka ay ku dambeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM