Suudaan: Cumar Xasan Al-Bashiir oo raq iyo ruux la baadigoobayo
KHARTUUM, Suudaan - Weerar lagu qaaday xabsiga uu ku xirnaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa dhaliyay su'aalo la xiriira halka uu ku dambeeyay, iyadoo daraf kamid ah dhinacyadii dagaalamaya uu shaaciyey in lagu hayo meel ammaan ah, halka midka kalena uu sheegay in la sii daayay.
Al-Bashiir, oo Suudaan xukumayay muddo soddon sano ah, ayaa salaanka siyaasadda laga siibay intii uu socday kacdoon dadweyne oo gilgilay waddankan sannadkii 2019-kii.
Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa raadineysa Al-Bashiir iyadda oo loo haysto xasuuq iyo dambiyo kale oo uu galay intii uu socday iska-hor-imaadka gobolka Darfur 2000-aadkii.
Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gumradka Degdegga ah, oo si wada jir ah xukunka uga xayuubiyay Al-Bashiir, intii lagu jiray mudaaharaadyo ballaaran, ayaa hadda ku dagaallamaya caasimadda.
Dagaalka oo galay todobaadkii labaad oo xiriir ah ayaa xabsiga gaaray dhamaadkii bilowgii asbuucaan, iyadoo warar is khilaafsan kasoo baxayaan sida ay wax u dhaceen.
Saraakiisha militariga ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in Bashir, iyo sidoo kale Abdel-Rahim Muhammad Hussein iyo Ahmed Haroun – oo labaduba soo qabtay xilal sare oo dhanka amaanka ah xiligii qalalaasaha Darfur – loo raray xarun caafimaad oo ay militariga maamulaan oo ku taal Khartoum iyaga oo si adag loo ilaalinayo naftooda.
Xabsiga Kober oo ay ku xirnaayeen ayaa lagu hayaa tiro ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha la xiray afgambiga ka dib. Mid ka mid ah dadkaas oo si xor ah u socday oo lagu magacaabo Axmed Al-Faatix ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu iska dhiibo saldhigga booliiska balse uusan helin cid shaqeynayay qalalaasaha dalka taagan aawadeed.
GAROWE ONLINE