Suudaan: In ka badan 50 qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Qulqulatooyinkan ayaa lagu waramay in ay salka ku haayaan is-qabqabsi dhul oo muddo soo taagnaa.

NAIROBI, Kenya - Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku yaala gobolka qaniga ku ah saliida ee Abye oo ay wada sheegtaan Sudan iyo South Sudan.

Falkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 52 qof, oo ay ku jiraan nabad ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay, 64 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gobolka.

Sababta loo weeraray fiidnimadii Sabtida ayaan si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa la tuhunsan yahay inay ku lug leedahay muran dhul, sidda Bulis Koch, oo ah wasiirka warfaafinta Abyei, uu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Rabshado qowmiyadeed oo dhimasho badan dhaliyay ayaa caan ka ahaa gobolka, halkaas oo xubnaha qabaa'ilka Twic Dinka ee ka soo jeeda gobolka Warrap ee deriska la ah ay isku haystaan ​​Ngok Dinka oo ka soo jeeda Abyei.

"Kuwa weerarka geystay Sabtidii waxay ahaayeen dhallinyaro hubaysan oo ka soo jeeda qabiilka Nuer oo u guuray gobolka Warrap sannadkii hore daadad ka dhacay deegaannadooda," ayuu yidhi Koch.

Sudan iyo South Sudan ayaa isku khilaafay maamulka gobolka Abyei tan iyo markii heshiis nabadeed 2005 lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo tobanaan sano socday oo u dhexeeyay waqooyiga iyo koonfurta Sudan.

Suudaan iyo Koonfurta Suudaan waxay sheeganayaan lahaanshaha Abyei, kaasoo aan xal loo helin ka dib markii Koonfurta Suudaan ay ka go'day Suudaan 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM