Suudaan oo ku eedaysay IGAD ku xad-gudbka madaxbanaanida wadamada xubnaha ka ah

Image
IGAD ayaa Hemedti u fidisay Casuumaad si uu uga qeyb galo shir madaxeedka la qaban doono 8-da bisha.

Khartoum (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa ku eedaysay urur goboleedka IGAD in uu isu beddelay “qalab lagu shirqoolayo Suudaan iyo dadkeeda”, waxayna bayaan ay soo saartay ku dhaleecaysay mas’uuliyiinta martiqaadka u fidiyay taliyaha ciidamada taageerada degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”.

IGAD ayaa Hemedti u fidisay Casuumaad si uu uga qeyb galo shir madaxeedka la doonayo in lagu qabto caasimadda Uganda ee Kampala, Khamiista 8-da bisha Janaayo.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, "Tallaabadan waxa ay horseedi doontaa in la burburiyo kalsoonida lagu qabo IGAD, waxaana sabab u ah in uu wiiqo madaxbanaanida wadamada xubnaha ka ah”.

Dowladda Suudaan ayaa war-saxaafadeed gaar ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaan loo baahnayn shir-madaxeedka cusub ee IGAD ay doonayso in Khamiista la qabto haddii aan la fulin qodobbadii ka soo baxay shir madaxeedkii kan ka horreeyay ee 9-kii bishan December lagu qabtay dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM